Ter Stegen: Lagama Yaabo Inaan Barcelona Ka Tago Illaa Laiga……………

Sida laga soo xigtay wargeyska SPORT, goolhayaha Barcelona Marc-André ter Stegen ayaa si cad u sheegay inuusan ka tagi doonin kooxda haddii aan la bixin dhammaan lacagta kaga maqan qandaraaskiisa.

Barcelona ayaa rajeynaysay inay helaan xal kadib imaanshiyaha Joan García iyo wada-hadallada ay kula jiraan goolhaye Wojciech Szczęsny, balse Ter Stegen ma doonayo inuu baxo. Waxa uu heshiis kula jiraa kooxda illaa 2028, wuxuuna dalbanayaa in si buuxda loo ixtiraamo qandaraaskiisa.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in goolhayaha reer Jarmal uu diiday inuu wadahadallo la yeesho kooxo ay ka mid yihiin Monaco, Galatasaray, iyo Chelsea. Waxa uu ka xumaaday hoggaanka Barcelona, isagoo rumeysan in warar been abuur ah laga faafiyey si sumcaddiisa loo dhaawaco. Waxa uu sidoo kale sheegay inuusan waligiis dabagalin qorshaha kooxda ee raadinta goolhaye cusub.

Haddii aan xal laga gaarin arrintan, Ter Stegen ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto tababarka pre-season-ka bisha July, halkaasoo uu kula kulmi doono tababare Hansi Flick. Barcelona waxay diyaar u yihiin inay ka wadahadlaan bixitaankiisa, laakiin ma doonayaan inay bixiyaan mushaarkiisa oo dhammaystiran.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football