Koobka Adduunka ee Naadiyada FIFA 2025 ayaa si rasmi ah uga socda dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeyb galayaan 32 kooxood oo ka kala yimid daafaha dunida. Tartankani wuxuu casriyeyn ku sameeyay qaabkii hore, wuxuuna la mid yahay tartanka Koobka Adduunka ee xulalka.
Kooxo waaweyn sida PSG, Real Madrid, Manchester City, Chelsea, Bayern Munich, iyo Juventus ayaa ka mid ah kuwa ugu cadcad. Waxaa sidoo kale ka qeyb galaya kooxo ka socda MLS sida Inter Miami, LAFC iyo Seattle Sounders.
Qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu waaweyn caalamka ayaa u tartamaya Kabta Dahabka ah – abaalmarinta la siiyo gooldhaliyaha ugu sareeya.
Halkan hoose ka eeg gooldhaliye-yaasha ugu sarreeya ilaa hadda:
1. Ángel Di María – Benfica – 3 gool
2. Jamal Musiala – Bayern Munich – 3 gool
3. Michael Olise – Bayern Munich – 3 gool
4. Kenan Yıldız – Juventus – 3 gool
5. Wessam Abou Ali – Al-Ahly – 3 gool
6. Pedro Neto – Chelsea – 2 gool