Weeraryahankii hore ee kooxda Al Nassr, Anderson Talisca, ayaa si furan uga hadlay xiriirkii uu la lahaa Cristiano Ronaldo intii ay wada joogeen kooxda horyaalka Sacuudiga ee Saudi Pro League.
Talisca oo la hadlayey Globo, ayaa sheegay in uu ku raaxaystay ilbiriqsi walba oo uu la shaqeynayay xiddiga reer Portugal, isla markaana uu wax badan ka bartay, gaar ahaan dhinaca xirfadda iyo anshaxa ciyaareed.
“Cristiano wuxuu iga caawiyay inaan noqdo ciyaaryahan xirfad badan leh maalinba maalinta ka dambeysa, inaan naftayda daryeelo, oo aan si cad u dejiyo yoolalkayga,” ayuu yiri Talisca.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa tilmaamay in Ronaldo uu aad uga duwan yahay dhammaan ciyaartoyda kale ee uu la ciyaaray, isagoo xusay in uu ahaa shaqsi si toos ah u hadla oo daacad ah: “Waa nin si toos ah wax u sheega. Runtii waxay ahayd wax la yaab leh, riyo rumoowday, inaan la shaqeeyo,” ayuu raaciyay.
Talisca ayaa sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu weerarka kala ciyaaro Ronaldo xilligii uu ku sugnaa kooxda Al Nassr:
“Inaan weerarka Al Nassr la hoggaamiyo Ronaldo waa mid nolosha inteeda kale qalbigeyga ku jiri doonto,” ayuu yiri.
Cristiano Ronaldo iyo Anderson Talisca ayaa 49 kulan wada ciyaaray kooxda Al Nassr, waxaana ay si wadajir ah uga qeyb qaateen 7 gool oo la iska kaashaday.
Sheekadan waxay markhaati u tahay sida Ronaldo uu u yahay hogaamiye saameyn weyn ku leh ciyaartoyda uu la shaqeeyo, xitaa meel kasta oo uu adduunka ka joogo.