Tababarihii Hore Ee Liverpool Oo Shaaciyay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Tababare U Noqdo

Inkasta oo uu tababare u soo noqday xiddigo caan ah sida Cristiano Ronaldo, Samuel Eto’o, iyo Eden Hazard, haddana Benitez wuxuu si gaar ah u xushay Gerrard sababo la xiriira xirfadiisa dhameystiran.

“Way igu soo celceliyeen marar badan, su’aasha ah: Yaa ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aad tababartay?

“Waxaan haystay Ronaldo, Eto’o, Hazard… balse had iyo jeer waxaan dhahaa Stevie (Gerrard).

“Maxaa yeelay wuxuu lahaa karti weyn. Markaan sharaxo… wuxuu ku fiicnaa kubbadaha madaxa, wuxuu lahaa xoog, xawaare, iyo farsamo fiican. Laakiin waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan tababaro sababtoo ah wuxuu lahaa wax walba — hoggaan, dareen ciyaareed iyo niyad wanaag.

“Wuxuu ahaa hogaamiye garoonka gudihiisa ah, sidoo kalena si wanaagsan ayuu ula dhaqmi jiray saaxiibadiis. Wuxuu ahaa mid mararka qaar ila carooda… balse waa arrimo dhammaystiran — gudaha garoonka, bannaanka garoonka, iyo xiriirka uu la lahaa kooxda. Aad bay u adag tahay. Waxaan hadda xusayaa ciyaartooy heer sare ah — balse isaga ayaa dhammaan dhinacyadaas ka dhammaystirnaa,” ayuu yiri Benitez.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football