Tababareyaal Iyo Xiddigo Caan Ah Oo Isku Raacay In Abaalmarinta Ballon d’Or Ee Sanad Kaan La Siiyo…………….

Kadib ciyaartii Spain ay 5-4 kaga adkaatay France ee Nations League, Lamine Yamal ayaa noqday xiddiga loogu hadal-haynta badan yahay kubadda cagta, iyadoo dad badan oo caan ah ay si cad u dalbadeen in la siiyo abaalmarinta Ballon d’Or.

Xiddigan 17-jirka ah ayaa soo bandhigay ciyaar aan caadi ahayn, taasoo keentay in hoggaamiyayaal, halyeeyo iyo madax sare ay si isku mid ah u taageeraan musharaxnimadiisa.

Bastian Schweinsteiger, halyeyga Jarmalka iyo Bayern Munich: “Ballon d’Or? Lamine waa inuu ka sarreeyaa Dembele.”

Luis De la Fuente, macallinka Spain: “Lamine Yamal waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Wuxuu ficilkiisa ku muujiyay garoonka, wuxuuna mudan yahay Ballon d’Or.”

Rafael Louzan, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Spain: “Lamine Yamal wuu u qalmaa Ballon d’Or.”

Mikel Merino, ciyaaryahan Arsenal: “Ma ihi qofka go’aaminaya, laakiin shaki la’aan Lamine wuxuu gaaray heerka Ballon d’Or, mar kale ayuu maanta caddeeyay.”

Xitaa Lamine laftiisa wuxuu yiri: “Haddii Ballon d’Or lagu qiimeynayo kulankan, waan aqbali lahaa.”

Spain waxay hadda sugaysaa finalka Nations League oo ay la ciyaari doonto Portugal – fursad kale oo Lamine ku xoojin karta doodda abaalmarinta.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football