Tababare Unai Emery Oo Ka Yaabsanaya Liverpool & Xiddig Keydka Reds Lagu Ilaaway Oo Uu Saxeexiisa Doonayo Suuqa Xagaaga Dambe.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa la filayaa inuu suuqa xagaaga dambe markale xoojin balaadhan ku sameeyo kooxdiisa isla markaana uu kasoo adkeeyo boosas badan oo ay haatan ku dhibtoonayso.

Emery ayaa markan indhihiisu qabteen daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Alberto Moreno kaas oo ay mudo sanado ah kasoo wada shaqeeyeen kooxda Sevilla isla markaana ay sanado koobab ah soo wada qaateen.

Alberto Moreno

Xiddigan ree Spain ayaa boos joogto ah ka helay Unai Emery wakhtigoodii Sevilla waxaana uu kula soo guulaystay tartanka UEFA Europe League xilli ciyaareedkiisi ugu dambeeyay ee 2013-2014 kahor intii uusan aduun dhan 12 Milyan ugu soo biirin Liverpool.

Intaa kaddib Moreno ayaa ku dhibtooday inuu bandhigyo wacan ku qanciyo kooxdiisa waxaana si rasmi ah booska daafaca bidix ugala wareegay Andrew Robertson oo booskaas dhaxlay tan iyo dhaawac soo gaadhay Moreno bishii December ee sanadkii hore.

Haddaba, Iyadoo Liverpool ay wali doonayso inay Moreno kooxdeeda kusii hayso haddana xiddigan ayaa la filayaa inuu iska diido inuu dookha labaad sii ahaado waxaana weerar diyaarinaya Emery oo doonaya inuu daafaciisa bidix ka dhigto.

Nacho Monreal oo haatan ah daafaca bidix ee dookha koowaad u ah Gunners ayaa u muuqda mid dhammaadkii waayihiisa ku jihaysanaya waxaana uu 33 jirsan doona bisha Febraury halka Saed Kolasinac uusan ahayn mid la doorbidayo inuu booskaas la wareegi karo.

Ugu dambayn, Arsenal ayaa la filayaa inay loolan kula kulmi doonto saxeexa Moreno maadaama oo wargeyska Mirror uu shaaciyay in kooxaha dalkiisa ee Barcelona iyo Real Madrid ay si dhaw ula socdaan xaaladiisa.