Tababaraha Ugu Cad Cad Inuu Qabto Shaqada Kooxda Real Madrid Ee Roberto Martinez Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Wax Ku Saabsan Los Blancos.

Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez oo ah shaqsiga ugu cad cad ee dhawaanahan lala xidhiidhinaya inuu qabto booska tababarenimo ee Real Madrid ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wax ku saabsan wararkaas.

Martinez ayaa kamid ah shaqsiyaadka sida xoogan loola xidhiidhinayo inuu dhawaan qabsan doono booska tababarenimo ee laga caydhiyay Julen Lopetegui oo shaqadiisa waayay kaddib kulamo badan oo natiijo xumo ah.

Roberto Martinez is happy as Belgium boss. GOAL

Haddaba, Roberto oo wax laga weydiiyay Real ayaa iska diiday inuu ka hadlo booskaas isaga oo carrabka ku adkeeyay in waxa kaliya ee quseeyaa uu yahay kulamada ay dhawaan la yeelan doonaan xulalka Iceland iyo Switzerland.

Tababaraha oo arrimahaas ka warramaya ayaa yidhi “Ma doonayo inaan sheego haddii aniga ama wakiilkeyga aan la xidhiidhnay Real Madrid, Waa mid aan khusayn waxaana ay ixtiraam daro ku noqon doontaa kulamada soo socda ee Iceland iyo Switzerland, Kuwaasi waa waxa aanu ku hawlanahay haatan”

Markale saxaafada ayaa isku day ku samaysay inay ka hadashiiyaan tababarahan iyaga oo weydiiyay haddii Real Madrid ay mar uun noqon doonto koox uu maamulo.

waxaana uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata “Ma doonayo inaan ka hadlo wax aan ahayn kulamada Iceland iyo Switzerland, Farriintaydu waa mid sidii hore uun ah, Waxa kaliya ee xiisaha igu haya waa xulka Belgium”

Si kastaba ha ahaatee, Waxa sidoo kale soo xoogaysanaya wararka sheegaya in tababaraha sida kumeel gaadhka ah haatan kooxda ku jooga ee Santiago Solari gacanta loo gelin doono shaqo buuxda oo rasmi ah