Tababaraha xulka Spain, Luis De La Fuente, ayaa ammaanay biseylka iyo xasilloonida uu Lamine Yamal ku wajaho cadaadiska.
Lamine Yamal oo jira 17 sano kaliya ayaa haatan si weyn loogu tilmaamaa inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka waqtigan.
Haddaba, sidee ayuu Lamine uga falceliyaa cadaadiska culus ee saaran? Tababaraha xulka Spain ayaa arrintaas ka hadlay:
“Waxaan la shaqeynaynay Lamine muddo dheer, waana wiil aad u bisil. Waa ciyaaryahan si fiican ugu diyaar ah mas’uuliyadaha oo aad u caqli badan,” ayuu yiri De La Fuente.
“Lamine arrimahaas si dabiici ah ayuu u qaataa, balse marka waqtiyo adag yimaadaan, annaga ayaa garabkiisa sii ahaan doona,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Lamine Yamal ma ogola in cadaadis la saaro. Wuxuu xitaa si cajiib ah uga ciyaaraa kulamada waaweyn.