Tababaraha PSG, Luis Enrique, ayaa si cad u sheegay in Ousmane Dembele uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or, kaddib guushii taariikhiga ahayd ee kooxdiisu ka gaartay Champions League.
“Dembele wuxuu hogaaminayay koox dhan isagoo wata is-hoosaysiin iyo hogaan dhab ah,” ayuu yiri Enrique.
“Qaabka uu u difaacayay ciyaarta final-ka… kaliya taas ayaa ku filan in uu ku guuleysto Ballon d’Or. Sidan ayaa loo hoggaamiyaa koox. Goolal, koobab, hoggaan, difaacasho, iyo sida uu cadaadis u saarayay kuwa kasoo horjeeday.”
“Ousmane waa shaqsiga ugu habboon Ballon d’Or-ka. Shaki igagama jiro,” ayuu Enrique ku daray.
Dembele ayaa si weyn u muujiyay in uu u qalmo Ballon d’Or isagoo xilli ciyaareedkan PSG ka saaciday inay ku guuleystaan saddexleyda koobabka (treble), oo uu ku jiro Champions League-kii ugu horreeyay ee taariikhdooda.
Weeraryahanka reer France ayaa ku lug lahaa 48 gool (goolal iyo caawin) intii lagu jiray xilli ciyaareedkan.
Tartamihiisa ugu dhow ee abaalmarintan waa xiddiga Barcelona, Lamine Yamal, oo isna sameeyay 43 gool oo uu lug ku lahaa isagoo Barca u horseeday saddexleyda koobabka gudaha Spain.