Tababaraha Portugal Oo Daaha Ka Rogay Habka Ay Ku Joojinayaan Lamine Yamal

“Joojinta Lamine? Jawaabcelinteennu marka aan lumino kubadda waa in ay noqotaa mid heer sare ah,” ayuu yiri tababaraha xulka Portugal, Roberto Martinez, isaga oo la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta kama dambaysta ah ee Axadda.

“Ma ogolaan karno in Spain ay bilaabaan weerarro degdeg ah, sidoo kalena waa in aan ku dheganaanno waxyaabaha aynu si fiican u qabanno, sidii aan horeyba ugu tagnay garoon buuxa oo ay taageerayaal Jarmal ah ka buuxaan.”

In laga hadlo sidii Lamine loo joojin lahaa iyo in si dhab ah loo joojiyo waa laba arrimood oo aad u kala duwan.

Wiilka da’da yar ah wuxuu hiigsanayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or waxaana aad u adag in la joojiyo.

Lamine wuxuu dhaliyay labo gool kulankii nus-dhamaadka ee ay Spain 5-4 kaga adkaatay France.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football