Tababaraha xulka Poland, Michal Probierz, ayaa si cad u sharaxay sababta uu uga qaaday Robert Lewandowski kabtan-nimada xulka qaranka.
Warbixin uu qoray Daily Post ayaa sheegtay in go’aankan uu sababay in xiddiga Barcelona ee 36 jirka ah uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha xulka Poland.
Lewandowski ayaa sheegay inuusan mar dambe u ciyaari doonin xulka Poland inta Probierz uu yahay tababaraha qaranka.
Tababaraha Poland ayaa wareysi uu siiyey Sport ku faahfaahiyay sababta go’aankaas uu u gaaray.
Probierz wuxuu sheegay inuu waqti siiyay inuu la hadlo ciyaartoyda iyo xubnaha shaqaalaha kadib ciyaartii ay la yeesheen Moldova, si uu xaaladda si qoto dheer ugu falanqeeyo.
“Kadib falanqayntaas, waxaan go’aansaday in isbedel lagu sameeyo kabtanimada xulka qaranka,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray inuu go’aansaday in kabtan-nimada xulka loo dhiibo Piotr Zielinski, oo sida uu sheegay, wada hadallo wanaagsan la yeeshay ciyaartoyda kale.
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu diiday codsi uu Lewandowski kaga dalbaday telefoon in isbedelka kabtanimada si rasmi ah loo shaaciyo.
“Ma aqbalin, sababtoo ah go’aanku wuxuu ahaa mid aniga ii gaar ah,” ayuu yiri Probierz.
Wuxuu sheegay inuu warbaahinta ka ogaaday go’aanka Lewandowski ee ah inuusan mar kale u ciyaari doonin xulka, isagoo xusay, “Qofna albaabka kamaan xiran. Waxaan u rajeynayaa nasiib wacan.”
“Zielinski hadda wuxuu noqon doonaa kabtanka. Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay go’aanka ugu fiican ee waqtigan kooxda loogu adeegayo…”