Tababaraha xulka France, Didier Deschamps, ayaa si buuxda ugu taageeray Ousmane Dembélé ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or ee sanadkan.
Deschamps ayaa hadalkan jeediyay kahor kulanka afar-dhamaadka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan Spain — xul uu ku jiro Lamine Yamal, oo isaguna ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad ee abaalmarinta.
Dembélé ayaa todobaadkii hore la qaaday PSG Champions League, waxaana sidoo kale loo magacaabay xiddiga xilli ciyaareedka ee kooxda. PSG waxay xilli ciyaareedkan qaadeen saddexley koobab ah – horyaalka Ligue 1, Coupe de France, iyo Champions League.
Deschamps ayaa yiri:
“Wey iska cadahay, Nations League-kan wuxuu tilmaami karaa wax badan, koobka aduunka ee naadiyada sidoo kale. Laakiin haddii aad i weydiiso aniga, waxaan leeyahay Ousmame ayaa abaalmarintan iska leh, 100%, dabcan.
“Haddii aad weydiiso reer Spain, ma filayo inay sidaas kuu sheegayaan. Laakiin dhab ahaantii, Ousmane, hadii la eego xilli ciyaareedkiisa, wuu u qalmaa.”
Hadalkan ayaa ah taageero cad oo ka imanaysa tababare heer caalami ah, taasoo sare u sii qaadaysa fursadaha Dembélé ee abaalmarinta la jecel yahay ee kubadda cagta.