Tababaraha kooxda Espanyol, Manolo Gonzalez, ayaa si cad uga hadlay wararka la xiriirinaya goolhayaha kooxda Joan Garcia inuu ku biirayo Barcelona, isagoo sheegay inuu si weyn uga shakisan yahay in ay dhacdo.
“Waxaa laga yaabaa in la iibiyay, laakiin aniga naftayda la iima sheegin wax. Shaqsiyan, aad baan uga shakisanahay inuu u wareegi doono Barcelona. Ma oranayo gacantayda ayaan jarayaa, laakiin ku dhowaad,” ayuu Manolo ka yiri barnaamijka AoContraataque ee Radio Galega.
Gonzalez, oo Garcia aqoon buuxda u leh ilaa kooxda koowaad, ayaa si weyn u aaminsan tayadiisa, wuxuuna sheegay in haddii fursad loo siiyo inuu ka ciyaaro koox weyn uu noqon karo mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican caalamka.
“Waan garanayay tan iyo kooxaha da’yarta iyo kooxda labaad. Wuxuu u muuqday goolhaye heer sare ah. Haddii aan heli lahaa fursad aan ku saxiixdo, si degdeg ah ayaan u qaadan lahaa qiimaha uu hadda ku fadhiyo,” ayuu yiri.
Markii laga codsaday inuu ka hadlo suurtagalnimada uu Joan ugu wareegi karo Barcelona, Manolo ma qarin nacaybka uu u qabo kooxda reer Catalonia.
“Marnaba ma jeclayn Barca,” ayuu si toos ah u yiri, isagoo xusay inuu fursad u helay inuu xidho maaliyadooda isagoo yar, balse doortay inuu iska diido.
Si kastaba ha ahaatee, Gonzalez wuxuu amaanay tababaraha cusub ee Barca, Hansi Flick, isagoo ku tilmaamay “tababare weyn oo garasho fiican leh.”