Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u amaanay labo ciyaaryahan oo ka ciyaara horyaalka Premier League; Marcus Rashford iyo Luis Díaz, xilli ay jiraan warar xooggan oo sheegaya in kooxda reer Spain ay doonayso inay labadooda la soo wareegto suuqa xagaaga.
Rashford, oo amaah ugu ciyaaraya Aston Villa kana tirsan Manchester United, ayaa la sheegay in “riyadiisu tahay” ku biirista Barcelona xagaagan. Dhanka kale, Luis Díaz oo ka tirsan Liverpool ayaa isna lala xiriirinayaa inuu u wareego kooxda LaLiga difaacaneysa.
Hansi Flick oo ka hadlay shir jaraa’id ka hor kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka ee LaLiga ee ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao, ayaa yiri:
“[Labadoodu] waa ciyaartooy fantastik ah. Waan jeclahay, waxaana arki doonaa waxa dhaca xagaaga.”
Barcelona ayaa qorsheynaysa inay si weyn u xoojiso kooxda xagaagan, si ay ugu diyaar garowdo difaacashada horyaalka LaLiga oo ay ka daftay Real Madrid.