Taagerayaasha Man United Oo Codsaday In Halkan Xiddig United La Keeno Kadib Finalkii Nations League

Taageerayaasha Manchester United ayaa si weyn uga dhawaajiyay inay doonayaan in kooxda lagu soo daro daafaca bidix ee xulka Portugal, Nuno Mendes, kadib markii uu si heer sare ah u ciyaaray finalkii UEFA Nations League ee ka dhacay Munich, Jarmalka.

Ciyaarta oo dhex martay Spain iyo Portugal ayaa ahayd mid xiiso leh, iyadoo xiddigo waaweyn sida Lamine Yamal, Pedri, Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes ay dhammaantood kasoo muuqdeen garoonka.

Cristiano Ronaldo ayaa kahor ciyaarta si gaar ah u amaanay da’yarka Yamal, isagoo ugu baaqay saxaafadda in aysan saarin cadaadis badan. Wuxuu yiri:

“Wiilkan [Yamal] wuu fiicanyahay, laakiin waxaan doonayaa in la siiyo waqti uu ku koro,uguna raaxeysto hibadiisa.”

Si kastaba, taageerayaasha Man United indhahooda waxay qabteen Nuno Mendes, kaas oo si buuxda u xiray Yamal islamarkaana caawiye u noqday goolkii barbardhaca ee uu dhaliyay Ronaldo.

Taageerayaashu waxay baraha bulshada ku muujiyeen rabitaankooda:

Mid ayaa qoray: “Wax kastaa waan sameyn lahaa si aan Nuno Mendes ugu arko Man United LWB.”

Mid kale ayaa ku daray: “Nuno Mendes waa daafaca ugu fiican adduunka. Wuxuu joojiyay weeraryahanada ugu qatarta badan, wuxuuna sidoo kale ka qeyb qaataa weerarka – waa daafac dhameystiran.”

Taageere saddexaad ayaa xusay: “Waxaan mar hore ku sigannay inaan si khiyaano leh ugu soo jiidanno Nuno Mendes Man United.”

Saxafiga ciyaaraha ee Guillem Balague ayaa ITV ka sheegay: “Yamal wuxuu helay cadowgiisii ugu weynaa abid – Nuno Mendes.”

Mendes wuxuu sidoo kale dhaliyay rigooradiisii intii lagu jiray shootout-kii Portugal ku qaaday koobka.

Daafacan PSG ayaa lala xiriiray Man United sanadihii hore, balse hadda wuxuu si buuxda uga tirsan yahay kooxda Luis Enrique ee Paris Saint-Germain, isagoo qandaraas kula jira ilaa 2029.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football