Dabaal-degii taageerayaasha PSG ee guushii Champions League ayaa isu rogtay musiibo, kaddib markii labo qof ay dhinteen halka in ka badan 190 ay dhaawacmeen habeenkii Sabtida (May 31). PSG ayaa 5-0 ku garaacday Inter Milan, kuna guuleysatay Champions League markii ugu horreysay.
Balse xafladii lagu qabtay magaalada Paris iyo meelo kale oo dalka Faransiiska ah ayaa isu beddeshay fowdo. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in 192 qof ay dhaawacmeen, 692 buleer la shiday – 264 ka mid ah buleerka la shiday gaadiid ayay saameeyeen.
Warbaahinta dalka ayaa sheegtay in wiil 17 jir ah lagu toogtay magaalada Dax intii lagu guda jiray dabaaldegyada, halka nin 23 jir ahna uu dhintay kaddib markii gaari ku dhacay isagoo mooto ku safrayay.
559 qof ayaa lagu xiray guud ahaan dalka, 254 ka mid ahna waxaa lagu xiray magaalada Paris. Booliiska oo tiradoodu gaareysay 5,400 ayaa loo diray waddooyinka Paris, iyagoo adeegsaday gaaska dadka ilmada ka keena iyo sunta dadka kala erida.
Xiddiga PSG Ousmane Dembele ayaa ugu baaqay taageerayaasha in ay si nabad ah u damaashaadaan oo aysan burburin magaalada.