La Liga ayaa ku dhawaaqday in Maxkamadda Gobolka Madrid ay xukun ku ridday afar qof oo lagu helay dambiyo naceyb iyo hanjabaad ah oo loo geystay xiddiga reer Brazil ee Real Madrid, Vinicius Junior, kadib dhacdadii bahdilaadda ahayd ee bishii Janaayo 2023.
Dhacdadu waxay dib ugu laabanaysaa 26-kii Janaayo 2023, ka hor kulankii Copa del Rey ee u dhexeeyay Real Madrid iyo Atletico Madrid, markaas oo eedeysanayaashu ay buundo u dhow xerada tababarka Real Madrid ku soo laaleen boombale xiran funaanadda Vinicius Junior, iyagoo ku lamaanay boorar ay ku qornaayeen ereyada: “Madrid waxay neceb tahay Real Madrid.”
Maxkamaddu waxay ku xukuntay mid ka mid ah eedeysanayaasha 15 bilood oo xabsi ah sabab la xiriirta dambi naceyb, iyo 7 bilood oo dheeraad ah oo la xiriirta hanjabaado iyo faafinta muuqaallo naceyb ah. Saddexda kale ayaa mid kasta lagu xukumay 14 bilood oo xabsi ah, oo isugu jira dambiyada naceybka iyo hanjabaadda.
Sidoo kale, maxkamaddu waxay ku ganaaxday ninka koowaad ganaax lacageed ah oo 1,084 euro, halka mid kasta oo ka mid ah saddexda kale lagu ganaaxay 720 euro. Waxaa intaa dheer in lagu soo rogay amar maxkamadeed oo mamnuucaya inay ka ag dhawaadaan Vinicius Junior ama garoon kubadda cagta uu ku ciyaarayo muddo afar sano ah kadib marka xabsiga laga sii daayo.
Ciqaabta waxaa kale oo ka mid ah mamnuucida nooc kasta oo xiriir ah oo lala sameeyo Vinicius, ha noqoto mid toos ah ama dadban. Eedeysanayaashu waxay sidoo kale saxiixeen warqad raalli gelin ah oo ay u direen Vinicius Junior, kooxda Real Madrid, La Liga, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Spain – taasoo gacan ka geysatay yaraynta xukunnada lagu riday.
Vinicius Junior ayaa haatan isu diyaarinaya inuu Real Madrid kala qeyb galo Koobka Adduunka ee Kooxaha FIFA 2025, oo ka dhacaya Mareykanka. Kooxdu waxay kulankooda ugu horreeya ee wareega group-yada la ciyaari doontaa Al Hilal maalinta Arbacada.