Jamaahiirta Real Madrid ayaa si isa soo taraysa u muujinaya niyad jab ku saabsan bandhigyada liita ee Rodrygo Goes, iyadoo la isweydiinayo in xiddiga reer Brazil uu dib u heli karo booskiisa kooxda.
Rodrygo ayaa bandhig liita ku muujiyay kulankii Club World Cup eeeay la ciyaareen Al Hilal, taasoo sii kordhisay shaki laga qabo sida uu ugu heellan yahay kooxda iyo dabeecaddiisa garoonka.
Inkasta oo uu yahay laacib karti weyn leh, haddana isbeddel la’aanta qaab ciyaareedkiisa iyo sida uu marmar ciyaarta uga libdhado ayaa sababtay in laga baqo in uusan si dhab ah ugu habboonayn falsafadda Real Madrid.
Madaxda kooxda ayaa wali rumeysan Rodrygo, iiyagooaan weli hadal gelin qandaraaskiisa kooxda ee dhacaya sanadka 2028. Si kastaba, warar ayaa sheegaya in Arsenal ay xiriir la sameysay Rodrygo, iyadoo laga yaabo inay dalab rasmi ah ka gudbiso.
Haddii uu Rodrygo dalbado in la iibiyo, Madrid ma diidi doonto, balse waxay dalban doontaa lacag weyn oo ka badan €100 milyan, maadaama uu leeyahay qandaraas iyo qiimo suuqa oo sarreeya.
Mustaqbalkiisa Santiago Bernabéu ayaa haatan u muuqda mid aan la hubin, iyadoo xiddigo da’yar sida Franco Mastantuono iyo Arda Güler ay durba boosaska weerarka midig u dagaallamayaan.
Xabi Alonso, oo ah tababaraha cusub ee kooxda, ayaa qorsheynaya inuu si buuxda kooxda ugu dhex daro Mastantuono, taasoo Rodrygo saari karta cadaadis weyn.