“Uma ciyaari doono Real Madrid marna? Maya. Waa wax aan suurtagal ahayn,” ayuu yiri Lamine Yamal.
Lamine waligiis lalama xiriirin in uu u wareegayo Real Madrid, balse hadalladiisa halkan waxay gabi ahaanba meesha ka saarayaan in uu mustaqbalka waligiis u ciyaari doono kooxdaas.
Dhawaan, aabbaha Lamine wuxuu taageerayay Real Madrid, balse kadib markii wiilkiisa uu saxiixay heshiiskiisa cusub ee weyn ee Barcelona, qoyska Yamal hadda si buuxda ayay u taageeraan Blaugrana.
Lamine waxa si xooggan loo saadaalinayaa in uu ku guuleysan doono Ballon d’Or bisha Oktoobar ee soo socota kadib bandhiggiisii cajiibka ahaa xilli ciyaareedkan. Da’yarkan 17-jirka ah wuxuu ku lug yeeshau ku dhawaad 43 gool si uu uga caawiyo Barcelona in ay ku guuleysato saddexda koob ee gudaha Spain.