Kulankii Nations League ee dhexmaray Spain iyo France fiidkii khamiista ayaa kiciyay dareenka taageerayaasha kooxaha waa weyn ee Premier League, kuwaas oo si isku mid ah uga dalbaday kooxahooda in ay si degdeg ah u saxiixaan hal ciyaaryahan.
Inkastoo magacyada waaweyn sida Kylian Mbappe, Lamine Yamal, Desire Doue iyo Pedri ay kasoo muuqdeen ciyaarta, haddana taageerayaal badan ayaa indhahooda ku qabtay hal xiddig oo kiciyay xamaasadda ciyaarta – Nico Williams.
Williams, oo dhaliyay gool kulankan, ayaa si aan kala go’ lahayn u dhibay difaaca France isagoo soo bandhigay ciyaar firfircoon, degdegsiimo ku dheehan oo halis badan.
Taageerayaal badan ayaa baraha bulshada ku dalbaday in kooxahooda ay la saxiixdaan:
Taageere Man United ah ayaa yiri: “Manchester United, fadlan lasoo saxiixda Nico Williams.”
Mid kale oo ree Liverpool ah ayaa qoray: “Nico Williams mar walba wuu iga yaabiyaa markaan daawado, laakiin mushaarkiisa waa cajiib… Haddii koox la saxiixato, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan mushaar sare qaata. Waxaan jeclaan lahaa in kooxdeennu noqoto middaas.”
Taageere Arsenal ah ayaa xusay: “Dadku iguma qancin karaan in Nico Williams uusan ku habboonayn Arsenal. Xitaa ma xisaabin waxqabadkiisa, waa ciyaaryahan heer sare”
Mid afaraad ayaa raaciyay: “Waxaan jeclaan lahaa in United ay hesho ciyaaryahan sida Nico Williams – toos u wajahaya goolka, kana go’an inuu wax sameeyo.”
Si kastaba ha ahaatee, Nico Williams ayaa laga yaabaa inuusan ka tagin kooxda Athletic Club, maadaama uu bilaabay wadahadallo hordhac ah oo la xiriira qandaraas kordhin, sida uu sheegay weriye Ben Jacobs.