Taageerayaasha Kubadda Cagta Oo Si Cadho Leh Uga Soo Horjeestay Cabudhinta Trump Ee Koobka Adduunka Ee Naadiyada

Koobka Adduunka ee Naadiyada ayaa lagu wadaa inuu billowdo toddobaadkan, iyadoo la soo bandhigayo qaab cusub oo aad ugu dhow tartamada caalamiga ah ee xulalka qaranka. Si kastaba ha ahaatee, diyaar garowga koobka ayaa sababay walaac weyn – gaar ahaan dhanka amniga.

Tigidhada kulanka furitaanka ayaa si kooban loo iibsaday, taasoo muujinaysa in xiisaha taageerayaasha uu hooseeyo. Taageerayaal badan ayaa ka caga jiidaya inay u safraan Mareykanka sababo la xiriira siyaasadaha adag ee ka dhanka ah socdaalka ee uu Madaxweyne Donald Trump hirgeliyay.

Taageerayaal badan ayaa ka baqaya in la xiro inta ay dalka ku sugan yihiin. Weerarro ay boolisku ku qaadayaan muhaajiriinta sharci darrada ah ayaa sababay bannaanbaxyo, gaar ahaan magaalada Los Angeles. Xaaladda ayaa gaartay heer xasaasi ah iyadoo la soo rogay bandow ka bilaabmaya 8-da fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo, kadib markii ay dhaceen gubid baabuur iyo burburin dhismayaal. Ciidamada ammaanka oo ay ka mid yihiin diyaarado helikobtar ah ayaa ku hawlan xasillinta xaalada iyo ka hortagga rabshado hor leh.

Garoonka Rose Bowl, oo ku yaalla bartamaha goobaha rabshadaha, ayaa lagu qaban doonaa lix kulan muddo toban maalmood ah. Labada kooxood ee PSG iyo Atletico Madrid ayaa lagu wadaa inay halkaas ku ciyaaraan Axadda. PSG, si gaar ah, waxay degi doontaa hotel ku yaalla aagga uu bandowgu saameeyay, taasoo ka dhigan in kooxda ay tahay inay u hoggaansamaan xeerarka.

Sidoo kale, goobta ay Atletico deggan tahay ayaa iyadana wajahaysa qalalaase. Dhismooyinka u dhow sida Walt Disney Concert Hall ayaa la weeraray wax yar kadib markii kooxda ay degtey hotel-ka.

Walaaca sii kordhaya waxaa sii xoojiyay wararka sheegaya in madaxweynaha Mareykanka uu qorsheynayo inuu ciidamo gaar ah u diro shan magaalo oo kale, oo ay ku jiraan New York, Seattle, Chicago, Philadelphia, iyo Northern Virginia. Magaalada Philadelphia waxay martigelin doontaa ciyaaraha ay ka qaybgalayaan Chelsea iyo Manchester City.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football