Taageerayaal badan ayaa si isku mid ah u weeraray hal ciyaaryahan oo u saftay France kulankii ay 5-4 kaga adkaatay Spain, iyagoo sheegay inuu ahaa mid “aanba ku habboonayn garoonka”.
Kulanka oo dhacay Khamiistii ayaa yimid kadib markii Portugal ay si lama filaan ah uga adkaatay Germany si ay uga u gaarto final-ka Nations League ee Axadda.
Spain, oo horey ugu guuleysatay Euro 2024 xagaagii hore, ayaa si sahlan u garaacday France, gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta oo ay si buuxda u maamulayeen.
Difaaca France, Clement Lenglet, ayaa si gaar ah loo dhaleeceeyay kadib bandhig aad u liitay. Lenglet ayaa lagu eedeeyay boos celin khaldan markii Lamine Yamal uu dhaliyay goolka koowaad, sidoo kalena wuxuu ku guuldareystay inuu xakameeyo Pedri.
Taageerayaal badan oo barta X (Twitter) ah ayaa si kulul u weeraray:
Mid ayaa qoray: “Ma suurtagal baa in Deschamps uu doorbido Lenglet halkii uu ka ciyaarsiin lahaa Yoro?”
Mid kale ayaa yiri: “Lenglet 2025 weli ciyaaraya? France si dhab ah ayay u mudan tahay inay guuldareysato.”
Taageere saddexaad ayaa sheegay: “Macallin kasta oo Lenglet iyo Rabiot kusoo bilaaba line-up-ka France 2025 waxey u qalantaa guuldarro.”
Afaraad ayaa ku daray: “Waa wax laga xumaado. LENGLET ayaa France u safanaya halka Leny Yoro gurigiisa iska joogo.”
Lenglet, oo horey ugu ciyaaray Tottenham iyo Aston Villa, ayaa lagu soo daray xulka France kadib dhaawacyadii soo gaaray William Saliba, Dayot Upamecano iyo Wesley Fofana.
si sahlan aaa soo wada baxa fans ayaa tihiine ma ciyaartii xalay yaa naga dhameeeyo ay ku haayeen maa si sahlan france looga badiyay