Taageerayaasha Liverpool ayaa si weyn u cambaareeyay Luis Díaz kaddib markii sawirro laga helay isaga oo ka qeyb galaya xaflad gaar ah oo uu wakhti kula waadanayay dad caan ah, halka inta badan ciyaartoyda Liverpool u safreen magaalada Gondomar ee dalka Portugal si ay uga qeyb galaan aaska Diogo Jota.
Carada taageerayaasha ayaa cirka isku shareertay maadaama la xusuustay xiriirka dhow ee ka dhexeeyay Díaz iyo Jota. Bishii Oktoobar 2023, Jota ayaa si cad u muujiyay taageeradiisa ku aadan afduubkii loo geystay aabbaha Díaz, isagoo xitaa u hibeeyay gool uu dhaliyay.
Taageerayaasha ayaa arrintaas ku tilmaamay khiyaano iyo ixtiraam darro, iyadoo mid ka mid ah isticmaalayaasha Reddit uu yiri:
“Dadka reer Colombia aad bay uga cadhoodeen. Waxaan aragnay isagoo baar isaga tumanaya.”
Qaar kamid ah taageerayaasha Liverpool ayaa xitaa codsaday in Diaz si degdeg ah loo iibiyo.
Inkastoo dadka qaar sheegayaan inuu jiri karo sabab rasmi ah oo keentay maqnaanshihiisa, Díaz weli kama uusan hadlin arrintaas.
Falcelinta taageerayaasha ayaa muujinaysa sida ay murugada geerida Jota u saameysay. Jota iyo walaalkiis André Silva ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay dalka Spain 3-dii Luulyo 2025. Tageerayaasha waxay sugayaan in Díaz si cad uga hadlo maqnaanshihiisa.