Taageerayaasha Bilbao Oo Fal Naxdin Leh Kula Kacay Nico Williams

Warar laga helay saxafiga Gerard Romero ayaa sheegaya in daaqadda gaariga ciyaaryahanka Nico Williams la burburiyay fiidnimadii Sabtida isagoo dhex mushaaxaya magaalada Bilbao iyadoo aan la garanaynin cidda ka dambeysa falkaas. Faahfaahin dheeraad ah lama shaacin ilaa iyo hadda.

Falkaan lagu tilmaamay fal burburin ah ayaa imaanaya xilli ay sare u kacday xiisadda ku saabsan mustaqbalka Nico Williams, oo si weyn loola xiriirinayo inuu ku biirayo Barcelona xagaagan. Todobaadyadii u dambeeyay, Williams ayaa sidoo kale la kulmay falal cunsuriyad ah oo lagu beegsaday sawirradiisa ku yaal magaalada uu ku dhashay ee Barakaldo, halkaasoo fariimo ka dhan ah Barcelona lagu buufiyay.

Inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay booliska ama kooxdiisa Athletic Club, dhacdadan ayaa sii kordhisay dareenka culus ee ka taagan xaalada mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan kooxda xilli suuqa kala iibsigu meel xasaasi ah marayo.

Nico Williams, oo door muhiim ah ka ciyaaray guushii Copa del Rey ee Athletic Club iyo guulihii uu la gaaray xulka Spain ee EURO 2024, weli kama uusan hadlin arrintaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football