Taageerayaal Ku Waxyeeloobay Shil Ka Dhacay Dabaal-deggii Horyaalka Ee Kooxda Liverpool

Wararka laga helayo Manuel Sanchez oo ka tirsan COPE ayaa sheegaya in 47 qof ay ku dhaawacmeen shil dhacay intii lagu jiray dabaaldegga kooxda Liverpool ee hanashada horyaalka Premier League.

27 qof oo dhaawacyadooda culus yihiin ayaa loola cararay isbitaalada. Afar ka mid ah dadka dhaawacmay waa carruur, mid ka mid ahna xaaladdiisa ayaa la sheegay inay tahay mid aad u daran.

Shilka ayaa dhacay 26-ka May 2025, xilli baabuur si lama filaan ah u galay dad socday oo ku sugnaa dabaaldegga magaalada Liverpool. Booliska Merseyside ayaa xiray nin 53 jir ah, iyagoo u tixgeliyay in uu yahay shil waddo, hase yeeshee marqaatiyaal qaarkood ayaa sheegaya in ficilku u ekaa mid ula kac ah.

Baaritaanka weli wuu socdaa, waxaana Liverpool FC iyo Ra’iisul Wasaaraha UK ay muujiyeen walaac ku aaddan dadka ku waxyeelloobay shilkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football