Taageerayaal Ka Hadlay Rajada Lamine Yamal Ee Ballon d’Or Kadib Markii Spain Ku Fashilantay Finalkii Nations League

Kadib guuldarro 5-4 ah oo rigoorayaal ah oo xalay Spain kala kulantay Portugal finalka Nations League 2024/25, taageerayaal badan ayaa baraha bulshada ku falanqeeyay bandhiggii Lamine Yamal, iyaga oo si lama filaan ah u dhaleeceeyay ciyaaryahanka da’da yar.

Finalka oo ka dhacay Allianz Arena ee magaalada Munich ayaa ku dhammaaday barbaro 2-2 ah 90-ka daqiiqo, waxaana goolasha u kala dhaliyay Spain, Martin Zubimendi, Mikel Oyarzabal halka Nuno Mendes iyo Cristiano Ronaldo ay goolasha u xireen Portugal. Rigoorayaal ayaa la aaday kadib markii la’isku mari waayay waqtigii dheeriga ahaa, waxaana Portugal ku adkaatay 5-4 kadib markii Alvaro Morata uu rigooradiisii khasaariyay.

Inkasta oo dhaliisha uu qaatay Morata, taageerayaasha ayaa si gaar ah u beegsaday Lamine Yamal, iyaga oo sheegaya in fursaddiisa Ballon d’Or ay meesha ka baxday kadib markii uu ku guuldarreystay inuu dhaafo daafaca PSG ee Nuno Mendes.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa X (Twitter) ku qoray:

“Ballon d’Or-ka waa lasii siin rabay” Yamal wuu fashilmay, Ronaldo oo 40 jir ah ayaa ka sameeyn badnaa.”

Mid kale ayaa yiri: “Yamal uma tartami karo Ballon d’Or hadda.”

Taageere kale ayaa sawirka caanka ah ee Messi uu la jiro Yamal kusoo xigtay: “16 sano kahor Messi ayaa mayray Yamal, hase ahaatee xalay Ronaldo ayaa dhaqay.”

Mid kale ayaa xusay: “Sida uu Nuno Mendes ula tacaalay Yamal, haddii Barca iyo PSG ay isku arki lahaayeen finalka Champions League, PSG ayaa koobka qaadi lahayd.”

Portugal ayaa markeedii labaad ku guuleysatay Nations League, kadib markii ay markii ugu horreysay qaadeen 2019. Ronaldo oo la ilmaynayay marka Neves uu rigoorada guusha dhaliyay, ayaa haddana kor u qaaday koob kale oo heer qaran ah.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football