Taageerayaal Cadheysan Oo Weeraray Nico Williams Xilli Lala Xiriirinayo Barcelona

Xiisadda ku saabsan suurtagalnimada uu Nico Williams ugu wareegayo Barcelona ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo Athletic Club ay si adag uga hortageyso in la dhameystiro heshiiskaas.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, sawir gacmeed ku yaalla magaalada Barakaldo kaa oo lagu xusay Nico iyo walaalkiis Iñaki Williams ayaa markii labaad la waxyeelleeyay toddobaad gudihiis. Weerarkii ugu dambeeyay, wajiga Nico ayaa la tirtiray, waxaana lagu ag-qoray farriin aflagaado ah.

Toddobaadkii hore, taageerayaal cadheysan ayaa ku qoray boodhka sawir gacmeedka: “Hadday noqoto inaad joogto ama aad tagto, cid ixtiraam kuu heysa ma jirto” Kadib, farshaxanistaha Carlos Lopez iyo kooxda Athletic Club ayaa dib u hagaajiyay, hase yeeshee isla habeenkii xigay ayaa mar kale la weeraray.

Weerarkan cusub wuxuu sii kordhinayaa culayska la saaray ciyaaryahanka. Warbixino ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Nico Williams uu ka codsaday Barcelona inay dhamaystiraan heshiiska kahor 9-ka Luulyo, oo ah maalinta ay Athletic Club dib u bilaabayso tababarka.

Xaaladdan ayaa muujinaysa heerka xiisadda bulshada iyo taageerayaasha kooxda ee la xiriirta bixitaanka xiddiga reer Spain, iyadoo weerarrada sawir gacmeedka laga dareemayo mowqifyada kala duwan ee taageerayaasha.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football