Super Computer Oo Saadaaliyay Koxda Ku Guuleysaneysa Koobka Adduunka Ee Naadiyada Iyo Kooxaha Premier League Ka Socda Halka Ay Ku Harayaan

Supercomputer ayaa saadaal cajiib ah ka bixiyay tartanka FIFA Club World Cup ee bilaabanaya usbuuca dambe, isagoo sheegay kooxda ku guuleysan doonta, iyo sidoo kale in Chelsea la reebi doono halka Manchester City ay finalka gaari doonto balse aysan ku guuleysan doonin.

Tartankan ballaaran ayaa si rasmi ah uga furmi doona Mareykanka Axadda, iyadoo Chelsea iyo Man City ay matalayaan Premier League kaddib markii ay Champions League ku guuleysteen 2021 iyo 2023.

Labada kooxoodba hore ayay ugu guuleysteen Koobka Adduunka ee naadiyada, balse hadda Supercomputer-ka ayaa saadaaliyay inaysan midkoodna koobkan hanan doonin.

Sida saadaasha sheegtay, Manchester City ayaa gaari doonta finalka iyada oo garaaci doonta kooxo waaweyn sida Real Madrid, Inter Milan iyo Juventus marxaladaha bug-baxa.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Pep Guardiola ayaa lagu garaaci doonaa 2-1 kulanka kama dambaysta ah, waxaana koobka qaadaysa kooxda reer Portugal ee Benfica, taasoo noqoneysa guul lama filaan ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football