Xulka qaranka Spain ayaa guul cajiib ah ka gaaray France kadib ciyaar xiiso leh oo ay ku badiyeen 5-4, taasoo u suuragelisay inay gaaraan final-ka UEFA Nations League oo ay la ciyaari doonaan Portugal.
Spain ayaa si xoog leh ku bilaabatay ciyaarta, waxaana goolal degdeg ah u dhaliyay Nico Williams iyo Mikel Merino. Lamine Yamal ayaa rigooro u beddelay gool, halka Pedri uu dhaliyay gool kale si ay ciyaarta ugu hoggaamiyaan 4-0.
France ayaa hal gool iska soo celisay oo ahaa rigooro uu dhaliyay Kylian Mbappé, balse Yamal ayaa mar kale shabaqa soo taabtay si uu ciyaarta uga dhigo 5-1. Si kastaba ha ahaatee, France ma quusan.
Rayan Cherki oo kulankiisa ugu horreeyay u saftay France ayaa dhaliyay gool, iyadoo uu raacay gool uu iska dhaliyay Vivian iyo mid kale oo uu dhaliyay Randal Kolo Muani, taasoo ciyaarta ka dhigtay 5-4.
Spain ayaa si adag u difaacatay guusha, waxayna haatan isha ku hayaan final-ka ay la ciyaarayaan Portugal 8-da June kaa oo ka dhici doona garoonka Allianz Arena ee Munich.