Zinedine Zidane Oo Ku Dhawaaqay Liiska Ciyaartoyga Real Madrid Ee Uu Caawa Kala Hor Tegayo Real Valladolid

Advertisements

Real Madrid ayaa caawa marti u noqon doonta kooxda yar ee Real Valladolid, waxaana guul ay kasoo gaadhaa ay siin doontaa in saddex dhibcood oo nadiif ah ay ku qabato hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.

Los Blancos waxay fursad ka heshay Barcelona oo guul-darro 2-0 ah kala soo laabatay Valencia oo ay marti u ahayd, waxaana Zidane oo ogsoon natiijada ciyaartaasi uu soo saaray liiska xiddigaha uu kala hor tegi doono Valladolid oo iska daalaa-dhacaysa.

Ciyaartoyga Real Madrid ee usbuucan waxa laga reebay da’yarka reer Brazil ee Vinicius Junior oo boos ka waayey liiska 19-ka laacib ee uu tababaruhu usoo xushay kulankan, sidoo kalena waxa aan ku jirin laacibka reer Wales ee Gareth Bale oo dhaawac kasoo gaadhay kulankii Arbacadii ee Unionista ay 3-1 kusoo karbaasheen  halkaas oo uu goolka koowaad kasoo dhaliyey.

Waxa kale oo uu Zidane kooxdiisa ka tuuray Brahim Diaz oo Arbacadii gool soo dhaliyey iyo dibed-yaalka Mariano Diaz oo la sheegayo inuu amaah kaga baxayo kooxda.

Dani Carvajal oo ganaax ah, Marco Asensio iyo Eden Hazard oo dhaawacyo qaba balse kusoo laabtay tababarka ayaan iyaguna kusoo bixin liiska Zidane, hase yeeshee waxa soo kabtay Sergio Ramos oo hoggaamin doona naadiga.

Liiska 19-ka laacib ee Zidane u soo xushay kulanka Real Valladolid:

Goolka: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Difaaca: Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Ferland Mendy.

Advertisements

Dhexda: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, James Rodriguez, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Rodrygo Goes.

Comments are closed.