Zinedine Zidane Oo Ka Dhawaajiyay Sir Aysan Ogeyn Kooxaha Doonaya Da’yarka Musjicada Ah Ee Kylian Mbappe.

Advertisements

Tababare Zinedine Zidane ayaa sii kiciyay mustaqbalka xiddiga mucjisada ah ee Kylian Mbappe kaas oo ay doonayaan kooxo badan oo qaaradda yurub, wuxuuna ka dhawaajiyay in xiddigaan reer France uu ku riyoodo u ciyaarista Los Blancos.

Wali waxaa jirta hadal heynta xiddigaan la xiriirineysa kooxda boqortooyada, Florentino Perez ayaana doonaya inuu xiddigaan keeno garoonka Santiago Bernabeu si uu u dhiso jiil cusub oo 10-ka sano ee soo aadan difaaca maaliyadda kooxda.

20-jirkaan ayaa wacdaro dhigaya, wuxuu hantay koobka Adduunka sanadkii hore, sidoo kalana 69-gool ayuu dhaliyay kadib 97-kulan uu satay heerkiisa kooxeed ee Paris Saint Germain, waxaana ku jira xisaabtaan 9-gool uu dhaliyay fasalkaan.

Advertisements

“Ma garan karo, waa ciyaariyahanka qofka go’aanka gaaraya, wakhtigaan wuxuu u ciyaaraa Paris Saint Germain, waan arki doonaa mustaqbalka hadii ay taasi isbadasho, waan ogahay inuu mar walba sheegi jiray iney riyo tahay u ciyaaristiisa Los Blancos” ayuu yiri Zidane mar la weydiiyay arrin ku saasan xiddiga reer France.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Paris Saint Germain ay isku dayeyso iney xiddigaan ku qanciso sii joogitaanka Parc des Princess, waxeyna u ballan qaaday mushaar dhan 700,000 kun Pound isbuucii.

Comments are closed.