YAABKA YAABKII: Jurgen Klopp Oo Mar-Marsiyo Layaab Leh U Sameeyay Guuldarradii Xalay Kooxdiisa Liverpool Kasoo Gaadhay Real Madrid

 

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayuu kasoo yeedhay hadal layaab lehi kaddib markii uu guuldarradii UEFA Champions League ahayd ee ay xalay kala kulmeen Real Madrid ku sababeeyay mid uu sababay garoonka ay kula ciyaareen kooxda ree Spain.

Advertisements

Klopp ayaa sheegay in xiddigaha kooxdiisa Liverpool ay ku adkaatay inay si fiican ugu ciyaaraan Alfredo Di Stefano oo caadiyan ah garoonka tababarka Real Madrid balse ay kooxdaasi ku ciyaaraysay sanadkii ugu dambeeyay.

Tan iyo markii uu dilaacay caabuqa dilaaga ah ee Korona Fayras, Real Madrid ayaa ahayd mid ku ciyaaraysay Alfredo De Stefano halka ay dib u dhis ku wadeen Estadio Santiago Bernabeu.

Halka uu Bernabeu ka qaado 81,000 oo qof, Di Stefano ayaa qaada 6,000 oo qof oo kaliya, walow aan garoonka wax taageerayaal ah loo ogolayn haddana Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu wax qariib ah ahaa jawiga garooku.

Advertisements

Jurgen ayaa kulanka kaddib yidhi “Dhab ahaan waa inay tijaabo adag ku noqoto Real Madrid ciyaarta Anfield, caawa waxay ahayd wax qariib ah sababtoo ah waxay ahayd wax adag ku ciyaarista garoonku (Di Stefano) laakiin Anfield ugu yaraan waa garoon caadi ah waxaana ay noqon doontaa wax anaga noo wanaagsan”

Liverpool ayay xalay si sahlan guul 3-1 ah kaga gaadhay Real Madrid kaddib laba gool oo ka yimid Vinicius Junior iyo gool uu dhaliyay Marco Asensio kaddib qalad waali ah oo uu sameeyay Trent Alexander Arnold.

Si kastaba, kooxda tababare Jurgen Klopp ayaa gool marti ah oo muhiim ah soo dhashaday kana helay Mohamed Salah taas oo la micno ah inay kaliya 2-0 ugu gudbi karaan afar dhammaadka ciyaarta dambe.

Liverpool ayaa taariikh weyn ku leh marka ay noqoto kasoo kabashada guuldarrooyinka kaddib guushii 4-0 ka ahayd ee ay sanadkii 2019 ka gaadheen Barcelona oo ciyaartii hore 3-0 kaga soo guuleysatay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

  1. Liverpol waxay qaban karan majirto lugta 2 wayo xalay ayay u ahayd fursad fican haday ciyarta badin lahayen lkn 2 dhib ayay kutahay madama ay kuciyarayan enfiel waa lobirin goalasha sxb mesha waxay laciyarayan waa the king of champions league kafirso ragan barcelona maha

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*