YAAB: Wakiil Si Cadaan Ah U Sheegay Inuu Mid Kamida Ciyaartoyda Ugu Tayada Wanaagsan Arsenal Saxeexiisa U Bandhigay Koox Ruush Ah Suuqii Xagaaga.

Advertisements

Kooxda ree Russia (Ruushka) ee Zenit St-Petersburg ayaa suuqii xagaagan heshay bandhig xiiso badan kaddib markii wakiilka weeraryahanka Arsenal ee Alexandre Lacazette uu saxeexa xiddigiisa miiska usoo saaray.

Weeraryahanka Gunners ayaa loo arkaa mid kamida ciyaartoyda ugu tayada wanaagsan ee ku sugan Emirates Stadium balse wakiilkiisa oo qudhiisu Ruush ah ayaa u raadinayay koox cusub suuqii xagaaga.

Wakiil Dmitry Cheltzov ayaa shaaca ka qaaday inuu madaxda kooxda Zenit u sheegay in qiimaha heshiiska Lacazette lagu bur-burin karayaa uu yahay 61 Milyan balse ay iska diideen iyagoo lacag waali ah ku sifeeyay.

“Alexandre Lacazette waxaan u bandhigay Zenit, Agaasimahooda ciyaaraha ee Javier Ribalta ayaa igu yidhi ‘Miyaad waalantahay?, Lacagta heshiiskiisa lagu bur-burin karaa waa 61 Milyan”.

“Waxaan ku idhi waad la xaajoon karaysaa Arsenal, Waan hubaa inay diyaar u noqon doonaan inay aqbalaan inta u dhaxaysa 43 Milyan ilaa 48 Milyan, Mushaharkiisu waxa uu noqon doonaa 7 Milyan canshuurta kaddib”.

Advertisements

28 sano jirkan ayaa xilli ciyaareedkan laba gool kasoo dhaliyay horyaalka kaddib saddex kulan oo uu ciyaaray waxaana uu haatan ku hawlan yahay kasoo kabashada dhaawac kulamadii ugu dambeeyay u diiday.

Marka laga yimaado hadalka wakiil Dmitry Cheltzov, Lacazette ayaan la ogayn haddii uu jiro qoddob sheegaya in wax lacag ah oo lagu bur-burin karo heshiiskiisa Arsenal.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*