YAAB: Goolhayaha Manchester United Ee Lee Grant Oo Xalay Isku Beddelay Garsooraha Afraad & Labadii Beddel Ee Uu Sameeyey

Jamaahiirta ayay layaab ku noqotay markii ay arkeen goolhayaha saddexaad ee kooxdooda ee Lee Grant oo kor u haya birta beddelka isagoo ku jira kaalintii garsooraha afraad ee ciyaaartii Red Devils ay 3-1 ku garaacday Newcastle United.

Advertisements

Goolhayahan 38 jirka ah ayaa tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku qoray kulankii xalay inuu yahay tababaraha goolhayaha kooxda, maadaama ay da’diisu weynaatay oo fursadihii koxodana laga haysto.

Bishii hore ayuu Grant daboolka ka qaaday inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda, laakiin ugu dambayntii waxa muuqata inuu door kale ku yeelanayo naadiga, inkasta oo aan la ogeyn inuu saldhigayo kooxda.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Manchester United ay u bandhigtay heshiis cusub oo uu ku noqonayo tababare-ciyaartoy, isla markaana uu ka shaqayn doono horumarinta goolhayeyaasha oo uu siin doono carbis iyo waayo aragnimo.

Advertisements

Si kastaba, taageereyaasha ayaa xalay indhahooda ku arkay goolhaye Lee Grant oo haya shaqo kale oo ah inuu isku beddelay garsooraha afraad ee ciyaartii Manchester United ay ku garaacday Newcastle United.

Daqiiqaddii 88aad ayuu Ole Gunnar Solskjaer soo kiciyey Juan Mata iyo da’yarka SHola SHoretire oo lagu beddelayay Daniel James iyo Marcus Rashford, waxaana halkii la filayey in ay garsooraha afraad ee ciyaartu uu soo qaato shaashadda beddelka, hase yeeshee Lee Grant ayaa taas beddelkeeda la arkay isagoo kor u taagaya shaashadda oo beddelka samaynaya.

Jamaahiirta ayaa farriimo kala duwan kaga fal celiyey arrintan, waxaana qaakrood ay is weydiiyeen haddii uu ka tegay Manchester United oo uu ka mid noqonayo bahda garsoorka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*