YAAB! Cristiano Ronaldo Oo Rumaysan Inuu Ka Sarreeyo Juventus & Sababta Layaabka leh Ee Uu Uga Tegayo

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu dareensan yahay in Juventus ay ka hoosayso heerka kooxaha uu doonayo inuu u ciyaaro, sidaas darteedna uu ka fikirayo in xagaaga uu iskaga ambobaxo.

Advertisements

Juventus ayaa toddobaadkii hore ka hadhay tartanka Champions League kaddib markii ay FC Porto ku garaacday wareegga 16ka, taasina waxay ku keentay Cristiano Ronaldo in canaan shaqsi ah loogu jeediyo qaybtii uu ka qaatay goolkii soo afjaray rajadooda ee uu ka dhaliyey Sergino Oliveira oo ay kubaddu lugihiisa ka dhex baxday.

Sida uu ku warramay Tancredi Palermi, xiddigan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ayaa rumaysan in uu isagu ka sarreeyo kooxdiisa Talyaaniga ah ee Juventus, sidaas darteedna uu ku fikirayo in dhamaadka xili ciyaareedka uu iskaga tago.

Cristiano Ronaldo oo heshiiskiisa Juventus uu ka hadhsan yahay sannad oo uu dhamaanayo June 2022, ayaa waxa uu toddobaadkii mushahar ahaan uga qaataa lacag dhan €400,000 Euro, laakiin ma doonayo inuu sii joogo Turin, sababtoo ah waxa uu saluugsan yahay awoodda kooxda.

Advertisements

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay, in xiddigani uu shaqsiyan aaminsan yahay fikir ah, in Old Lady ay ka hoosayso isaga oo aanay u qalmin inuu usii ciiyaaro, sidaas adarteedna ay tahay inuu iskaga tago, iyadoo uu damaciisuna yahay inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Warkan ayaa waxa uu intaa ku daray, in Ronaldo iyo wakiilkiisa Jorge Mendes ay ka shaqaynayaan sidii ay ula xaajoon lahaayeen Real Madrid, si ay u suurtogasho in Los Blancos uu dib ugu laabto.

Advertisements

Si kastaba, Zinedine Zidane oo wax laga weydiiyey haddii kooxdiisu ay qorshaynayso inay dib ula soo saxeexato Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in laacibkani uu taariikh weyn ku leeyahay kooxda, laakiin waqtigan aanay ka hadli karaynin maadaama uu yahay ciyaartoy koox kale ka tirsan.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*