YAAB!! “Aniga Ayaa Cristiano Ronaldo Wax Walba Baray” – Laacib Manchester United Ka Tirsanaa Oo U Faanay Xiddiga Reer Portugal

Advertisements

Hore looma maqal ciyaartoy sheegtay inuu yahay midka wax soo baray xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo, waxaana ay dunidu baratay xilligii uu Manchester United kaga soo biiray Sporting Lisbon sannadkii 2003, intaa wixii ka dambeeyeyna waxa uu ahaa laacib dunida oo dhan taqaano.

Waxa uu Old Trafford ugu yimid halyeeyo waaweyn sida David Beckham, Roy Keane, Paul Scholes, Ruud van Nistelrooy iyo Wayne Rooney, hase yeeshee waxa lama filaan ah u sheegtay inuu yahay qofka wax walba baray laacib xilli dambe ugu yimid Manchester United.

Muuqaal uu soo duubay oo uu ku baahiyey bartiisa Instagram ayaa laacibkii hore ee Manchester United iyo xulka qaranka Portugal ee Luis Nani, waxa uu ku sheegay inuu isagu yahay ciyaartoyga wax walba baray Ronaldo, xilliyadii tababarka iyo waayihii badnaa ee ay isku kooxaha ahaayeen.

Nani oo soo xushay shaxda shanta-geesoodka ah ee ugu fiican, waxa uu soo qaatay David de Gea, Paul Scholes, Deco, Bruno Alves iyo Cristiano Ronaldo, laakiin  xulashadiisu maaha midda doodda keentay.

Advertisements

Hadalka uu muuqaalkiisa ku sheegay Nani ayaa ka tegay raad iyo inay bulshadu isla wadaagto, waxaanu yidhi” “Cristiano Ronaldo wuxuu leeyahay xirfadahaas oo dhamaystiran iyo ord lugihiisa ah, aniga ayaanu iga bartay wax badan markii aanu da’yarta ahayn, isaguna uu ogyahay.”

Nani hadalkiisa wuu sii waday, waxaanu yidhi: “David de Gea ayaan goolka u doonayaa, sababtoo waa ciyaartoy fiican oo ka mid ah kuwa dunida ugu wanaagsan, laakiin waa inuu muraaiyaddiisa xidho, sababtoo ah, la’aantood waxba ma arkayo. Paul Scholes, wuxuu ku fiicnaa maamulidda kubadda iyo aragti wanaagsan.”

 

Comments are closed.