YAAB ADUUN: Real Madrid Oo Aan Doonayn Saxeexa Erling Haaland & Sababta Ku Xumaynta Ah Ee Ay Ugu Jirto Tartankiisa

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay aysan doonayn saxeexa da’yarka weeraryahanka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland balse ay ku xumayn ugu jirto tartanka loogu tartamayo.

Advertisements

Haaland ayaa ah mid kamida xiddigaha loogu doonista badan yahay qaarada Yurub kaddib markii uu kooxdiisa 33 gool ugu soo dhaliyay kaliya 32 kulan oo uu xilli ciyaareedkan usoo ciyaaray.

Erling Haaland 'prefers' Real Madrid transfer this summer

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wargeyska Sportsmail uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka ree Norway uu jeclaan lahaa inuu ku biiro Real Madrid isla markaana wakiilkiisa Mino Raiola uu isha ku hayo fududaynta qandaraas 154 Milyan oo pound ku qabsoomi kara.

Laakiin sida lagu qoray wargeyska Eurosport, Real Madrid ayaan si dhab ah u doonayn saxeexa Haaland ee suuqa xagaaga sanadkan iyagoo uga hadhay dalabaadka qaaliga ah ee wakiil Mino Raiola.

Advertisements

Wargeyska ayaa sheegaya in sababta ay loolanka 20 sano jirkaas ugu jirto Real Madrid ay tahay inay qiimihiisa ku qaaliyayso kooxaha kale ee iyaguna doonaya saxeexiisa si uu sanad kale ugu negaado Borussia Dortmund.

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale wakiil Mino Raiola iyo aabaha Erling Haaland ee Alfe joogeen magaalada Barcelona si ay wax ku saabsan heshiiska Erling ugala hadlaan kooxda uu xifaaltanka weyni kala dhaxeeyo Los Blancos.

Barcelona ayaa aaminsan in saxeexa Haaland oo ay sameeyaan uu noqon doono mid xiddiga homroodka u ah ee Lionel Messi ku qanciya inuu kooxda heshiis cusub u saxeexo.

Raiola ayaa hore ugu fashilmay inuu xiddigo dhawr ah u keeno Real Madrid waxaana kamid ahaa Paul Pogba oo Manchester United ka tirsan iyo Gianluigi Donnarumma oo AC Milan qayb ka ah.

Advertisements

 

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*