YAAB ADUUN: Diogo Jota Oo Jawaab Yaab Leh Bixiyay Mar La Weydiiyay Midka Fiican Da’yarka Liverpool Ee Nat Phillips & Sergio Ramos

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa dunida kaga yaabsaday jawaabta su’aal u muuqatay mid jees-jees ah oo ay weydiiyeen xilli uu barnaamij toos ah ku jiray isaga oo Game ciyaarayay.

Advertisements

Su’aasha ayaa ahayd inuu sheego midka wanaagsan kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo ay dad badani u arkaan daafaca ugu fiican dunida iyo da’yarka daafaca dhexe ee Liverpool xilli ciyaareedkan isku muujinaya ee Nat Phillips.

Young Sergio Ramos": Liverpool fans drool over Nat Phillips debut

Phillips ayaa xilli ciyaareedkan xubin muhiim ah ka noqday shaxda tababare Jurgen Klopp kaddib dhaawacyada gaadhay xiddigihii booskaas ee Virgil Van Dijk, Joel Matip iyo Joe Gomez.

Dhinaca kale Ramos iyo shaqsi kasta oo in uun xidhiidh la leh Liverpool ayaan ahayn kuwo isku wanaagsan kaddib dhacdadii caanka ahayd ee uu xiddigaasi garabka kaga jabiyay Mohamed Salah Final-kii UEFA Champions League ee sanadkii 2018.

Advertisements

Jota oo aalada Twitch qaab Live ah ugu ciyaaraya Game ayaa la weydiiyay oo faalooyinka ka akhriyay su’aal ah inuu kala doorto midka fiican Ramos iyo Philipps.

Isla marka uu akhriyay su’aashaas xiddiga ree Portugal ayaa qoslay waxaana uu ku jawaabay “markan waxaan dooranayaa Phillips”

Jawaabta Jota ayaa noqotay mid ay aad u jeclaysteen jamaahiirta kooxdiisa Liverpool iyaga oo muuqaalkaas iyo waliba falcelintooda ku baahiyay baraha bulshada.

Real Madrid iyo Liverpool ayaa 6-da bisha dambe isku faro saari doona lugta hore ee wareega 8-da Champions League waxaana ay Mohamed Salah, Diogo Jota iyo Nat Phillips dhammaantood kahor tagi doonaan koox uu hoggaan u yahay Ramos.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*