Halkee Ayuu Xulka Qaranka Soomaaliya Ka Soo Galay Qiimeynta Xulalka FIFA?

Advertisements

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa sarre u soo kacay qiimeynta bilaha ee xulalka Adduunka ee FIFA ka dib guushii ay ka gaareen Zimbabwe lugtii hore ee is araga koowaad ee isreebreebka Koobka Adduunka oo aheyd guushii ugu horeysay ee ay abid ka gaaraan isreebreebka Koobka Adduunka.

Inkastoo xulka Soomaaliya laga badiyay kulankii lugta labaad oo ay u soo bixi waayeen wareega labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka hadana waxay kor u soo kaceen ilaa seddex darajo qiimeyntii xulalka ee la sameeyay bishaan.

xulka qaranka soomaaliya

Qiimeynta xulka qaranka Soomaaliya

Xulka qaranka Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 202 ee qiimeynta xulalka Adduunka waxay haatan soo gashay kaalinya 199 iyagoo seddex boos kor u soo kacay.

Wadamada Qaarada Afrika waxay haatan ka sareeyaan xulka Eritrea oo ku jira kaalinta 207. Waxay Soomaaliya sidoo kale sarre martay xulalka Pakistan iyo Srilanka.

Zimbabwe oo ah xulkii ay Soomaaliya taariikhda ku gashay ayaa lix boos hoos uga soo dhacay qiimeyntooda waxay ku jireen kaalinta 112aad laakiin haatan waxay u soo dhaceen kaalinta 118.

Dhanka kale xulka Jabuuti oo u soo baxay wareega labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka qaarada Afrika ayaa sagaal boos kor u booday, ka dib guulihii ugu danbeeyay ee ay gaareen.

Jabuuti waxay ku jirtay kaalinta 195aad qiimeyntii ugu danbeysay laakiin qiimeynta maanta soo baxday waxay xulka Jabuuti soo galeen kaalinta 186aad.

Advertisements

Dhanka kale 10ka xul ee ugu sareeya qiimeynta caalamka waxba iska bedelin bishaan iyadoo xulka Belgium ay kaalinta koowaad ku jiraa, halka Faransiiska uu kaalinta labaad ku jiro, iyadoo seddexaad ay ku jirto xulka Brazil.

England ayaa afaraad ah, Portugal, Uruguay iyo Spain ayaa kaalimaha shanaad, lixaad iyo 7aad ku kala jira halka Croatia, Colombia iyo Argentina ay dhameystirayaan 10ka ugu sareeya.