Xulka Italy Oo Guul Muhiim Ah Ka Helay Greece Isla Markaan Xaqiijiyay Usoo Bixitaanka Koobka Qaramada Yurb 2020.

Advertisements

Xulka Italy ayaa guul weyn ka gaaray dhigiisa Geece kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada yurub ee 2020, waxeya sameeyeen rikoor maadaama saddex kulan iyadoo ay harsan yahiin kulamada group-ka ay rikoor cusub ku xaqiijiyeen iney ka qeyb galayaan tartanka sanadka dambe la qaban doono.

Talyaaniga waxey ku ciyaareen kulankii soo idlaaday maaliyadooda darajada saddexaad ee cagaaran, waxaana ka maqnaa dhawr ciyaartoy oo laga xusi karo Alessandro Florenzi, Emerson Palmieri, Lorenzo Pellegrini, Giorgio Chiellini iyo Stefano Sensi.

Talyaaniga ayaa goolka koowaad furtay markii rigoore loo dhigay daqiiqadii 63-aad, Andreas Bouchalakis ayaana kubad gacanta ku taabtay taasoo fursad siisay Jorginho oo si habsami leh shabaqa ugu hubsaday.

Sidoo kale daqiiqadii 78-aad waxaa gool la yimid Bernardeschi kaas oo badal kusoo galay qeybtii hore ciyaarta markii uu xanuun dareemay Chiesa.

Si kastaba xulka uu hogaamiyo Robert Mancini waxey usoo baxeen koobka qaramada yurub 2020 xisaab ahaan, 21-dhibcood ayey shaqeysteen 7-kulan oo ay ciyaareen.

XAQIIQADA KULANKA:

Goolasha: Jorginho pen 63 (I), Bernardeschi 78 (I)

Italy: G Donnarumma; D’Ambrosio, Bonucci, Acerbi, Spinazzola; Barella (Zaniolo 87), Jorginho, Verratti; Chiesa (Bernardeschi 39), Immobile (Belotti 79), Insigne

Advertisements

Greece: Paschalakis; Bakakis, Chatzidiakos, Siovas, Stafylidis; Zeca, Kourbelis, Bouchalakis (Giannoulis 75); Bakasetas (Mantalos 79); Limnios, Koulouris (Donis 67)

Garsoore: Karasev (RUS)

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*