Xulalka Brazil Iyo Senegal Oo Isku Garab Dhacay Kulan Adag Oo Ku Dhexmaray Singapore Galabta

Advertisements

Xulalka Brazil iyo Senegal ayaa ku kala baxay barbaro 1-1 ah kulan adag oo saaxiibtinimo oo galabta ku dhexmaray dalka Singapore iyadoo labada xul ay ku soo shirtageen xiddigahooda ugu waa weyn.

Ciyaar aad u fiican oo lagu riyaaqay lama soo bandhigin qeybtii hore ee ciyaarta, laakiin gool cajiib ah ayuu Roberto Firmino hogaanka ugu dhiibay Brazil ka hor inta aysan Senegal rigoore ku barbareynin.

Firmino ayaa ka faa’ideystay baas uu u soo dhigay Gabriel Jesus isagoo kubada ka dulqaaday goolhaye Alfred Gomis.

Fursadaha la helay waa ay iska yaraayeen marka laga reebo fursadii uu goolhaye Ederson ka badbaadiyay Sadio Mane.

Laakiin markii ay dhamaan rabtay qeybtii koowaad ee ciyaarta, Mane ayaa fursad u heystay inuu shabaqa soo taabto balse waxaa qalad ku galay Marquinhos iyadoo garsooraha uu rigoore tilmaamay.

Famara Diedhiou ayaa u soo istaagay rigoorada isaguu ku guuleystay inuu kubada dabamariyo goolhaye Ederson oo uu ciyaarta ka dhigo barbaro 1-1 ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta waxba iskama bedelin natiijada inkastoo fursadaha la kala helay ay ahaayeen kuwa ka badan qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1 oo ay ku kala baxeen labada xul ee Brazil iyo Senegal.

Advertisements

Shaxda ay labada xul ku soo galeen:

Brazil XI: Ederson; Alves, Marquinhos, Silva, Sandro; Arthur, Casemiro; Gabriel Jesus, Coutinho, Neymar; Firmino.

Senegal XI : Gomis, Gassama, Sane, Koulibaly, Coly, Gueye, Kouyate, Sarr, Diatta, Diedhiou, Mane