XOG: Xiddigihii Goolasha Ugu Degdegga Badan Dhaliyey Qarniga 21aad, Halbeegga 25 Iyo Laacibka Kusoo Xiga Haaland

Advertisements

Erling Braut Haaland ayaa rikoodh cusub u dhigay horyaalka Bundesliga Sabtidii oo ay kooxdiisa Borussia Dortmund 3-1 ku garaacday RB Leipzig oo ay waliba marti u ahayd.

Weeraryahanka reer Norway oo laba jeer shabaqa soo taabtay kulankaas ayaa waxa uu 25 kulan oo horyaalka ah dhaliyey 25 gool, taas oo ka dhigtay laacibka goolashii ugu badnaa ka dhaliyey kulamadii ugu yaraa.

Erling Haaland ayaa dhaafay rikoodhkan oo uu hore u haystay Uwe Seeler oo isagoo 23 jir ah gaadhay tirada goolasha 25 gool xili ciyaareedkii 1963/64.

Marka laga eego dhinaca da’da ma jiro ciyaartoy kala siman dhinaca da’da oo rikoodh gool-dhalineed oo noocaas oo kale ah hore u sameeyeen, waxaana kusoo xiga Zlatan Ibrahimovic oo isaguna kasoo hormaray Kevin Phillips iyo Cristiano Ronaldo.

Qiimayn ay samaysay shabakadda Transfermarkt ayaa waxa lagu soo bandhigay xiddigihii sida ugu degdegga badan ku gaadhay 25 gool oo horyaalka ah.

Halkan kaga 30kii ciyaartoy ee goolasha ugu badan ku dhaliyey:

30. Mohamed Salah (Liverpool, 2017/18) – 40 ciyaarood

=27. Julio Baptista (Sevilla, 2004/05) – 39 ciyaarood

=27. Ruud van Nistelrooy (Man Utd, 2002/03) – 39 ciyaarood

=27. Carlos Tevez (Juventus, 2014/15) – 39 ciyaarood

=21. Pauleta (Bordeaux, 2001/02) – 38 ciyaarood

=21. Diego Forlan (Villarreal, 2004/05) – 28 ciyaarood

=21. Dario Cvitanich (Nice, 2013/14) – 38 ciyaarood

=21. Sergio Aguero (Man City, 2012/13) – 38 ciyaarood

=21. Cristiano Ronaldo (Juventus, 2019/20) – 38 ciyaarood

=21. Romelu Lukaku (Inter Milan, 2019/20) – 38 ciyaarood

=17. Grafie (Wolfsburg, 2008/09) – 37 ciyaarood

=17. Radamel Falcao (AS Monaco, 2016/17) – 37 ciyaarood

=17. Luis Suarez (Barcelona, 2015/16) – 37 ciyaarood

=17. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal, 2018/19) – 37 ciyaarood

=12. Roy Makaay (Bayern Munich, 2004/05) – 36 ciyaarood

=12. Marek Mintal (Nuremberg, 2005/06) – 36 ciyaarood

=12. Ruud van Nistelrooy (Real Madrid, 2006/07) – 36 ciyaarood

=12. Mario Balotelli (Nice, 2017/18) – 36 ciyaarood

=12. Radamel Falcao (Atletico Madrid, 2012/13) – 36 ciyaarood

=9. Fernando Torres (Liverpool, 2008/09) – 34 ciyaarood

=9. Catanha (Celta Vigo, 2000/01) – 34 ciyaarood

=9. Arjen Robben (Bayern Munich, 2010/11) – 34 ciyaarood

=6. Luca Toni (Bayern Munich, 2008/09) – 33 ciyaarood

=6. Andriy Shevchenko (AC Milan, 2000/01) – 33 ciyaarood

=6. Diego Milito (Inter Milan, 2009/10) – 33 ciyaarood

=4. Cristiano Ronaldo (Real Madrid, 2009/10) – 27 ciyaarood

=4. Neymar (Paris Saint-Germain, 2018/19) – 27 ciyaarood

=2. Kevin Phillips (Sunderland, 1999/2000) – 26 ciyaarood

=2. Zlatan Ibrahimovic (Paris Saint-Germain, 2012/13) – 26 ciyaarood

1. Erling Haaland (Borussia Dortmund, 2020/21) – 25 ciyaarood

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*