WARBIXIN: Kaddib Heshiisyadii Arthur & Pjanic, Midkee Faa’iido Heshay Barcelona Iyo Juventus, Midkee Ayaase Khasaare Soo Gaadhay?

Barcelona iyo Juventus ayaa ku dhawaaqay inay la kala wareegeen labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Athur Melo iyo Miralem Pjanic, kuwaas oo midkoodba tegi doono kooxda kale.

Arthur Melo ayaa shan sannadood oo heshiis ah u saxeexay Juventus oo uu ku biiri doono marka lasoo dhamaystiro xili ciyaareedka. Sidaas oo kale Miralem Pjanic ayaa afar sannadood oo heshiis ah u saxeexay Barcelona.

Pjanic oo afar sannadood oo heshiis ah u saxeexay Barcelona

Labadan ciyaartoy waxay Juventus iyo Barcelona ku kala biiri doonaan marka uu soo dhamaado xili ciyaareedka ee horyaallada LaLiga, Serie A iyo Champions League lasoo dhamaystiro.

Kaddib heshiiska labada kooxoodba ku dhawaaqeen, su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ayaa ah, labada kooxood midka faa’iido ka heshay heshiiskan.

Dhinaca lacagta

Heshiiska ay Juventus kula wareegtay Arthur Melo waxa uu dhigayaa in ay kooxda Talyaanigu bixiso 72 milyan oo Euro oo lagu daray 10 milyan oo kale oo ku xidhan bandhiggiisa, taas oo wadarta guud ee lacagta ay Barcelona siinayso ka dhigaysa 82 milyan oo Euro.

Barcelona ayaa dhinaceeda, waxay iyaduna siin doontaa Juventus lacag dhan 60 milyan oo Euro oo lagu darayo 5 milyan oo kale oo bandhiggiisa ku xidhnaan doona, waxaanay wadarta lacagta ay u shubayso Juventus ay tahay 65 milyan oo Euro.

Marka la isku jaro lacagta labada ciyaartoy, Juventus ayaa laga doonayaa 17 milyan oo Euro oo ay is-dheer yihiin, laakiin dhamaantood maaha kuwo hadda ay bixinayaan. 12 milyan oo ka mid ah lacagtan ayay si naqad ah u bixinaysaa Juventus, waana farqiga u dhexeeya heshiiska asalka ah ee aanay ku jirin lacagaha bandhigga ku xidhan. qaybta kale oo ah 5 milyan, waxa Juventus ka bixin doontaa gadaal haddii shuruudaha waajibinaya uu Arthur Melo buuxiyo.

Heshiiska

Kubbad-sameeyaha reer Brazil ee Arthur Melo waxa uu qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo uu Juventus ugu biirayo, laakiin waxa ka duwan Miralem Pjanic oo heshiiskiisu yahay afar sannadood.

Kooxda Talyaanigu halkan waxay ku qabtaa faa’iido hal sano oo dheeraad ah marka loo eego sannadaha uu Arthur ahaan doono ciyaartoygeeda, waxaanay fursad kale u heli doontaa inay qandaraas cusub lasii saxeexato haddii ay bandhiggiisa kusii qanacdo, laakiin Barcelona waxay kaliya fursad u haysataa in afar sannadood oo cusboonaysiinteeda uu shaki ku jiro ay haystaan Pjanic.

Da’da

Miralem Pjanic waxay da’diisu tahay 30 jir, waxaana xili ciyaareedkan lagu eedaynayay inuu hoos u dhacay oo qaabkiisii sii lumayo, taas oo ay sababtay da’diisa oo tilmaamaysa in cimrigiisa intii fiicnayd uu soo qaatay.

Arthur Melo waxa uu shan sannadood u saxeexay Juventus

Tababare Maurizio Sarri ayaa dhowaan si badheedh ah warbaahinta uga  eedeeyey, isaga oo tilmaamay in qaabkii joogtada ahaa uu lumiyey, ayna tahay inuu booskiisa u dagaallamo haddii uu doonayo inuu lasii joogo.

Sidaas oo ay tahay ayay Barcelona kasoo bixisay 65 milyan oo Euro, waxaanu ka qaalisan yahay ciyaartooyo badan oo da’yar oo ay ka heli lahayd suuqa oo sannado badan sii ciyaari kari lahaa.

Afarta sannadood ee heshiiska ah oo cimrigiisa ciyaareed kusoo beegmaya, way adag tahay inuu si heersare ah u ciyaaro, iyadoo ay suurtogal tahay inuu u baahdo waqti uu kula qabsado kooxda, wayna adag tahay in ciyaartoy 30 jir ah la siiyo waqti uu koox kula qabsado si la mid ah ciyaartoyda da’da yar.

Juventus ayaa halkan faa’iido weyn ku haysa, waxaanay heshay ciyaartoy 23 jir ah oo lagu tilmaamo inuu yahay ‘Xavi cusub’, isla markaana xirfaddiisu hadda soo baxayso, isaga oo da’yarna amaan ka helay ciyaartoyda waaweyn ee Barcelona.

23 sannadood ayuu jiraa, marka ay shanta sannadood ee qandaraaskiisu dhamaadaanna waxa uu noqon doonaa 28 jir, waxaanu wali ka yaraanayaa da’da uu waqtigan joogo Pjanic.

Mushaharka

Juventus waxay Arthur Melo mushahar u siin doontaa sannadkii lacag dhan 5 milyan oo Euro, waxaanay shanta sannadood ee uu saxeexay isku-geyntoodu noqon doontaa 25 milyan oo Euro.

Barcelona ayaa dhinaceeda sannad kasta mushahar u siin doonta laacibka reer  Bosnia ee Miralem Pjanic lacag dhan 6 milyan oo Euro, waxaanay afartiisa sannadood noqonayaan 24 milyan oo Euro.

Si kastaba, Juventus ayaa lagu tilmaamay inay ku faa’iiday heshiiskan oo ay gacanta ku dhigtay ciyaartoy 23 jir kubbad sameeye ah oo ay ku heshay 17 milyan oo kaliya iyo ciyaartoy cimrigiisa ciyaareed jooga oo ay siisay Barcelona.

Haddaba akhriste, ra’yigaaga ka dhiibo heshiiska ciyaartoy isweydaarsiga ee lacagtuna la socoto ee Barcelona iyo Juventus ay kula kala wareegeen Pjanic iyo Arthuro Melo, midkee ayayse kula tahay inay ku faa’iidday?

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

10 Fekradood

  1. Sida cad fc barca way kuqasartay heshiskas dhaman coyartoyda fc barca inta ugubadan
    Dadoda 33 32 31 30 waye waxay lumosay ciyartoy mustaqbal ku laha cam nu juv faido wayn ayay kuqabta

  2. Barcelina waxee rabtaa faa io dagdag ah ee marabto faido soodahdo. Waxaaan qabaa inee barcelona faido qabto waayo pjanic waa waya arag kubada wadaayo cunugaan soocelcelinaayo kubada oo xavi uuna gari karin iskadhigdhigayo hanadaayo

  3. Lama odhankaro Barcelona way faaiday laakiin Barcelona waxay ubaahantahay faaido degdega pinich waa laacib laga faaidikzro halsanana ha ahaate

  4. Waxaan qabaa inay juventus faaiday ilaa xad waayo waxay heshay ciyaartoy da.aahana yar kubadiisuna horumar fiican ay samaynayso waliba Lagu tilmaamo iniestaha cusub ee wakhti xaadirkan
    Waxaan isleeyahay halkaa Barcelona ayaa khasaartay

  5. Marka laga hadlo da’ juve ayaa fa’iday lacag marka laga hadlana barca ma qasaarin melo 18 milyan ayay kasoo bixisay ku dhawaad 2 sano. Lakiin mid ogaada juve suuqa aad ayay xariif ugu tahay rag qabiiro ah ayaa u jooga.

  6. Barcenola waxay iibsatay magac
    Halka juventus ciyaartoo iibsatay
    Barcenola hadii hishiska ay ugu jirto inay dib u iibsan karto Arthur
    Waa faaido
    Hadii aanay taasi jirin

    Dhinac kasta waa qaare
    Arthur macalin ayuu ubahnaa iib meesha ma oolin

  7. Aniga ahan waxan qaba barca iney xiligan danteda ay tagy bianij wayo tartamo waweyn ayey rabta assgne wa mid qubrad uled halks juva aysan qaro qabin iyada wayo cuyartoy badan qad dhaxe ah ayey haysta ila xiligu anfaco wey sugi karta labada nadi midbo dab ayey ledahy xidiguhune wey kala wayo arad san yihim mahne kala litan fikrad ahan by luqman

  8. Aniga waxay Ila tahay markaan ka eego aqoonta aan leeyahay labada xidig in labada naadi midba dhan ufaa,iiday juva waxay heshay da,yar mustaqbal leh lkn waxaysan ogayn Arthur Hal cilad buu leeyahay waa ciyaartow daala halkaanbiyo kugiican quradna aan lahayn lkn haduu Helo macalin fiican wuuyeelan karaa tayadii xavi ok Barca wacay heshay khabiir madaale ah lkn da,wayn midda ay ku dooratayna waxay Barca rabtaa uhuyaraan labao sano oo soosocda onay Isla hesho labada nin oo kala ah frek de ong iyo pjnic waana sababta ay kudili karta naadiyada dhexda kadhisan waan.meesha Barca kawerarqado ok bye

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*