XOG: Juventus Oo Awoodeeda Isugu Geyneysa Sidii Ay Pep Guardiola Ugu Qancin Laheyd Inuu Badalo Maurizio Sarri.

Advertisements

Juventus ayaa lagu soo warramayaa iney diyaar u tahay u dhaqaaqista Pep Guardiola, waxeyna isha ku heysaa iney iska ceyriso tababaraha talyaaniga ah ee Maurizio Sarri.

Marwada duqda ah ayaa tababarahii hore Napoli keentay magaalada Turin xagaagii lasoo dhaafay, balse wuxuu u muuqdaa mid aan kooxda dhankii ay rabtay u dhaqaajin walow uusan wali hal fasal dhameysan.

Juventus waxey guuldaro kala kulantay Hellas Verona todobaadkaan taasoo shaki galineysa iney markii 9-aad oo xiriri ah hanato horyaalka talyaaniga, durbana waxaa muuqaneysa in maamulka ay shaki ka qabaan tayada Sarri.

Madaxweynaha kooxda Bianconerri (Andrea Agnelli) ayaa aaminsan in Pep Guardiola ay aad ugu baahi qabaan si uu ugu hogaamiyo hanashada Champions League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1996.

Advertisements

The Sun ayaa lagu qoray in Juventus ay leedahay hammi adag oo ku saabsan Guardiola, kaas oo aan u muuqan mid ka tagi kara wakhtigaan Manchester City.

Si kastaba Guardiola wuxuu laba horyaal oo xiriir ah u qaaday Manchester City, balse wali wuxuu u muuqdaa mid aan ku hogaamin karin koobka horyaalada yurub, waxaa xusid mudan in fasalkaan ay ku fashilmeen iney markii saddexaad oo xiriir ah hantaan horyaalka maadaama ay 22-dhibcood ka dambeeyaan Liverpool.

Comments are closed.