XOG: Jose Mourinho Ma Dooneynin Fred, Balse Sabab Layaab Leh Ayaa Ku Qasabtay Inuu Keeno Old Trafford.

Advertisements

Tababarahii Man United Jose Mourinho ayaa lagu soo warramayaa inuusan dooneyn saxiixa Fred markii uu joogay garoonka Old Trafford, balse wuxuu diidanaa inuu maamulka ka diido lacagaha ay suuqa ugu talagaleen, sidoo kalana wuxuu ka cabsi qabay inuu ciyaariyahan kale oo khadka dhexe ah ka waayo suuqa.

26-jirkaan heerka caalami ayaa ku fashilmay wakhtigiisa garoonka Old Trafford, wax muuqdana kama sameyn kubadda cagta tan iyo markii uu 2018 lacag dhan 52 Malyan oo Pound kaga soo wareegay Shakhtar Donetsk.

Mourinho markuu la yimid xiddigaan waxaa fuulay cadaadis weyn, waxaana lagu dhaleeceeyay inuu lasoo yimid xiddig aan kooxdiisa waxba kusoo kordhin.

Advertisements

Fred wuxuu ahaa xiddiga qura ee ciyaaray lixdii kulan ee ugu dambeeyay waayaha Mourinho, balse kaliya 8 kulan ayuu kasoo muuqday kooxda tan iyo markii loo dhiibay Ole Gunnar Solskjaer.

Inkastoo xiddigaan uu si weyn ugu soo bixi waayay xeeladda Mourinho, hadana dad badan ayaa dareemaya inuu kusoo wanaagsanaanayo wakhtiga uu ka hoos ciyaarayo Ole Gunnar.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*