XOG: Cadaadiska Kaga Imanaya Guushii Lionel Messi, Kooxdiisa Oo Xoogeysatay & AFAR Sababood Oo Uu Cristiano Ronaldo Ugu Guuleysan Karo Champions League 2019-20.

Advertisements

Wali waa horaanta xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20 waxaana markale bilaabmaya hammiga weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo xilli ciyaareedkiisa labaad ee kooxdaasi doonaya horumaro cusub.

Mid kamida sababaha haddiiba aysan ahayn sababta ugu weyn ee ay Juventus ula soo wareegtay Cristiano sanadkii 2018 ayaa ah inuu ku hoggaamiyo tartanka uu khibrada weyn u leeyahay ee Champions League oo ay ka qatan yihiin mudo dheer.

Haddaba, Waxaanu halkan hoose idiinku muujin doonaa xog ka kooban afar qoddob oo uu Ronaldo xilli ciyaareedkan Bianconeri ugu hoggaamin karo koobka ugu qiimaha badan heer kooxeed.

1: Ka Go’naanshihiisa Uu Ku Ilaashanayo Halyeeynimadiisa

Sida uu qofkasta ka warqabo, Ronaldo ayaan ahayn mid ka gabada waajibaadkiisa waxaana intaas dheer in dunidu ay ka warqabto in Juventus ay ka sugayso Champions League, Dabcan waxa ay noqon doontaa arrin fashil ku ah dhammaan dhinacyada ku lug leh haddii ay xilli ciyaareedkan ku guuleysan waayaan CL.

2: Guushii Lionel Messi Ee Abaalmarinta THE BEST

Maaha wax sir ah inuu wali sii socdo xifaaltanka ka dhexeeya Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi, Labadan xiddig ayaa hore u wadaagayay min shan abaalmarinood oo xiddiga sanadka ee FIFA ah kahor intii uusan Messi ku darsan mid lixaad dhawaan.

Waxa shaki la’aan ah in Ronaldo uu waxkasta u samayn doono sidii uu kusoo qaban lahaa markale Messi oo uu dunidu u tusi lahaa inuu abaalmarin kale u qalmo.

3: Saamaynta Tababare Sarri

Juventus ayaa lagu yaqaanay koox hab ciyaareedkeedu daafac ku salaysan yahay wakhtigii tababare Maxi Allegri taas oo saamayn ku lahayd Cristiano oo qaab wanaagsan uga soo muuqda kooxaha hab weerarka ku ciyaara, Kaddib imaatinka Sarri oo ciyaartiisu weerar ku dhisan tahay, Ronaldo ayaa wax ka badan intii hore u muujin kara Juventus.

Advertisements

4: Juventus Oo Haysata Saf Ka Fiican Midkii Xilli Ciyaareedkii Hore

Juventus ayaa hada haysata saf in badan ka wanaagsan safkeedii hore waxaana ay suuqii dhawaa lasoo saxeexatay Matthijs De Ligt, Buffon, Higuain oo soo laabtan, Danilo iyo Pellegrini.