Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka FIFA Oo Markale U Cadhaysan Cristiano Ronaldo Iyo Sababta Sii Xumaysay Oo La Ogaaday.

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaan xalay ka soo muuqan xafladii abaal marinaha FIFA ee sanadkan 2019 waxayna taasi keentay in FIFA ay ka cadhooto go’aankii uu xidiga reer Porugal kaga soo qayb gali waayay xafladii magaalada Milan.

Waxaa la ogaaday sababta sii xumaysay cadhada ay FIFA ka qaaday maqnaanshihii Cristiano Ronaldo ee xafladii abaal marinaha iyada oo markii hore la filayay in uu soo xaadirayo.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah u gooyay FIFA isaga oo labadii sanadood ee ugu danbeeyay aan ka soo xaadirin xaflada abaal marinaha FIFA.

Sanadkii hore markii uu Luka Modric magaalada London ugu guulaystay abaal marinta The Best, waxaa xaflada ka soo xaadiri waayay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxayna taasi keentay in madax waynaha FIFA uu Messi iyo Ronaldo warbaahinta ka eedeeyay.

Laakiin Lionel Messi ayaa sanadkan ka soo muuqday xafladii Milan isaga oo waliba ku guulaystay abaal marinta The Best oo uu Virgil Van Dijk ka qaaday.

Laakiin war soo baxay ayaa sheegaya in FIFA ay Cristiano Ronaldo ka niyadjabtay kadib markii uu ka baxay balantii uu ku imanayay xafladii Milan iyada oo la sheegay in markii uu ogaaday in Messi uu abaal marintan ku guulaystay uu xaflada u jaray.

Cristiano Ronaldo ayaa xafladii abaal marinaha UEFA ee xidiga Yurub ugu fiican ka soo xaadiray inkasta oo markaas uu abaal marinta ku guulaystay Virgil Van Dijk, waana sababta loo adeegsaday in xafladii Milan uu Ronaldo seegay maadaama oo Messi uu abaal marinta ku guulaystay.

Laakiin sababta dhabta ah ee ay FIFA ugu cadhaysan yihiin Cristiano Ronaldo aya lagu sheegay in 150 kilomitir kaliya uu u jiray xaflada magaalada Milan ka dhacaysay isla markaana aanu wax safar ah galayn maadaama oo uu hadda Italy degan yahay.

Advertisements

Inkasta oo madax waynaha  FIFA uu sanadkii hore canaantay Ronaldo iyo Messi isla markaana uu ku eedeeyay in ay xafladaha yimaadaan marka ay abaal marinta ku guulaystaan, haddana Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah seegay xafladii Milan inkasta oo uu aad ugu dhawaa.

Si kastaba ha ahaatee, sawirkii uu Cristiano Ronaldo baraha bulshad soo dhigay isaga oo buug iska akhrisanaya waqtigii ay xafladu socotay ayaan farxad galin FIFA oo filaysay in xidiga reer Portugal uu xaflada kala soo qayb galo.

11 responses to “Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka FIFA Oo Markale U Cadhaysan Cristiano Ronaldo Iyo Sababta Sii Xumaysay Oo La Ogaaday.”

  1. Mohamed Updy Nour Sheikh says:

    wanku Tagrmersanahay Inu san Ka so Qayb galin
    xaflada wayo isaga Ayaa mudnaa haduna bilada heleynin
    muxuu kaso doni xaflada

  2. Bille Abdiaziz yasi says:

    wan ku taageersnhy wayo Ronaldo aya mudna best player of the year marka Ronaldo wa nin jecl mar walbaa inu guulesto marka meel adaan ku guulisanin mxa ka raaden by cr7 fann

  3. CR7 ayaa mudnaa abaalmarinta ay bixiso fifa virus oo mar walba messi guusha siiso viva cr7

  4. Balaq wayne messi umba la siin mar walbo 3 da kaboood ee dahabka ninka haysta lama tartami kartid uuf xamar7
    La buun buuniyey weeye

  5. Abdisamad says:

    Fifa mother of corruptions sh**t

  6. leo messi inta ow nool yahay ama ow kuubada cagta ciiyarayo qofne kama kama fiicano lknse taagerida waa galkeda leo messi best

  7. Salad Ahmed says:

    CR7 ayaa mudnaa abaalmarinta lakin wey dhacdey

  8. meel musuq yaalo inuu tago maba ahan
    fifa mararka qaar sharci iyo wax qabad kuma bixiso abaal marinta
    teeda kale messi waa laga mudnaa sanadka

  9. Nin AdaG WaayeH rinTiH

  10. Abdirisack kahiye says:

    cR7 sxb hadii laga qaaday awalba labo dhagax hadii laisku dhufto mid una ba jabi laha,messi na wuu qaaday midan ,messi na machine ka kubatda cakta,milan tagi weyse FIFA wx ba kuma soo kordhineyso,lkn wx fcn inad messi u hambaliyeyso

  11. Ce7 waa nin jira WYO isga ayaa xaq u lahaa FIFA ma waxey taageerta messi saas ayey u siisey lkn Ronaldo waa nin ku kalsoon cagtiisa zanadkan waad arki doontaan inuu champion leage ku guuleysto iyo Balon,dor kaba

    Ronaldo waa ficile zxpkey ronaldo incha Allah guuuul ku rajaynay naa anigiyo taageera yaashadupa