Xidhiidhka Kubadda Cagta Spain Oo Magacaabay Garsooraha Dhexdhexaadin Doona Finalka Spanish Super Cup Ee Real Madrid vs Atletico Iyo Xusuusaha Aan Fiicnayn Ee Kala Dhexeeya Los Blancos

Advertisements

Xidhiidhka kubadda cagta Spain, waaxda u qaabilsan farsamada iyo garsoorka ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona kulanka finalka Spanish Super Cup ee habeen dambe ay waddanka Sucuudiga ku wada ciyaari doonaan kooxaha reer Madrid iyo Real iyo Atletico.

Real Madrid oo soo garaacday Valencia Arbacadii iyo Atletico Madrid oo kulan soo laabasho ah kaga soo guuleysatay Barcelona khamiistii ayaa finalka Spanish Super Cup iskugu soo baxay, waxaanay ku dheeli doonaan garoonka quruxda badan ee King Abdullah Sports City Stadium ee magaalada Jeddah Axadda.

Garsoore Jose Maria Sanchez Martinez ayaa loo doortay inuu dhexdhexaadiyo ciyaartan, waxaana labada dhinac ka taagnaan doona calawadeyaasha Raul Cabanero Martinez iyo Jose Gallego Garcia oo uu garsooraha afraad na u noqon doono Guillermo Cuadra Fernandez.

Garsooraha VAR-ka qaban doona ayaa waxa loo doortay Ignacio Iglesias Villanueva oo ay caawin doonaan Santiago Jaime Latre, Roberto Diaz Perez del Palomar iyo Diego Barbero Sevilla.

Kulankan oo bilaabmi doona 10-ka fiidnimo ee saacadda Geeska Afrika, ayaa waxa uu xasuus gaar ah ay ka dhaxaysaa Real Madrid iyo garsoore Sanchez Martinez oo ciyaarihii ugu dambeeyey ee uu u qabtay aanay wax guul ah arag.

Advertisements

Ciyaartii Valencia ay Real Madrid barbarraha 1-1 ah la gashay bishii December, waxa uu Martinez ahaa garsoorihii xaaladda ku adkeeyey, sidoo kalenan barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee Real Betis ayuu ahaa ninkii go’aamada adag ka qaatay ciyaarta dhexdeeda.

Atletico Madrid hal kulan oo kaliya ayuu usoo qabtay xili ciyaareedkan, waxaanay ahayd barbarro 0-0 ah oo ay la galeen Real Valladolid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.