Xiddigta Mareykanka Alex Morgan Oo Sii Laba Jibaartay Weerarkeeda Cristiano Ronaldo Ka Hor Inta Aysan Isku Arkin Xaflada The Best Ee FIFA

Advertisements

Xiddigta Mareykanka Alex Morgan ayaa sheegtay inaysan waxba u arki doonin la kulankeeda Cristiano Ronaldo ee xaflada abaalmarinta The Best ee dhamaadka bishaan inkastoo ay eedeyn kulul u jeedisay xiddiga Juventus.

Gabadha Koobka Adduunka la qaaday xulka Mareykanka ee Morgan ayaa Twitter soo dhigtay mar sii horeysay warbixin cinwaan looga dhigay: “Ronaldo waa halyeeyga musuq maasuqa isboortiga” iyadoo taageere u muujisay joornaaliistihii qoray warbixintaas oo ay ku tilmaamtay inuu yahay suxufi weyn.

Warbixintaas oo lagu qoray mareegta Vice ayaa timid ka dib markii weeraryahanka Portugal lagu waayay wax danbi ah oo la xiriira kiiskii kufsiga ee lagu eedeeyay inuu sameeyay sannadii 2009.

Morgan iyo Ronaldo ayaa si fool ka fool ah isaga horimaan doona magaalada Milan 23ka bishaan September, waxay iyadu u sharaxan tahay abaalmarinta xiddigta sannadka adduunka ee hablaha halka uu isagu u sharaxan yahay abaalmarinta xiddiga sannadka ee ragga.

“Ma aanan sii qorsheynin inaan u la kulmo si ka duwan sida aan u la kulmi lahaa dadka kale” ayay Morgan u sheegtay majalada Sports illustarted.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RIKOODH: Man City Oo Rikoor Cusub U Dhigtay Premier League, SIDEED Gool Ayay Ku Xasuuqeen Watford & Silva Oo Seddexleeydiisii Ugu Horeysay Dhaliyay

“Uma maleynayo waqtigaan  in dumar badan ay hadli karaan, waana muhiim in dumarkaas la taageero. Waxaan qabaa in dad badan ay haatan su’aal iska weydiinayaa kumaa saxan iyo kumaa qaldan.

“Marka aad si gaar ah u eegto sheekada Ronaldo, waxaan qabaa inay jirto cadeymo badan oo la qariyay, waxaana aaminsanahay in lacagta ay gacanta ka geysato in kiiska la duugo.

“Kiiska waa la xiray si uu u sii ciyaaro. Mana ahan qofka kaliya ee sidaas sameynaya laakiin waa xiddiga ugu caansan dunida kubada cagta, sidaasi darteed diirada ayaa la saarayaa.

“Waxaan aqriyay warbixino badan oo la xiriira kiiskiisa, waxaana go’aansaday inaan Twitter soo dhigo waxay ila tahay. Naceyb badan ayaana ku muteystay oo aan filayo inay ii soo direen taageerayaashiisa.

Advertisements

“Taas micnaheeda ma ahan inaan u diidayo inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican dunida, taas iyo kiiska waxba xiriir ah ma lahan.

“Waxa uu shaqaan ahaan u sameeyo ee uu dadka ku madadaaliyo garoonka kubada cagta wax xiriir ah lama lahan waxyaabaha uu sida gaarka ah u sameeyo.”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Oxlade-Chamberlain Oo Ku Soo Biiray Dooda Ku Saabsan In Mohamed Salah Uu Kubada Baasin & Fariin Uu U Diray Xiddiga Reer Masar

Comments are closed.