Xiddigii Ugu Liitay Garoonka, Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka & Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Real Madrid Dhulka Ku Jiiday Liverpool

Liverpool ayaa qaab ciyaareed aad iyo aad u xun soo bandhigtay qeybtii hore ee kulankii ay guuldarada 3-1 ka soo gaartay kooxda Real Madrid ee lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Champions League.

Advertisements

Mar kale waxay sameeyeen qalad difaac iyadoo ciyaarta ay mareysay qeybtii labaad 2-1, markaasoo ay ciyaartoy badan weerarka geeyaan taasoo keentay in Real Madrid ay kubad rogaalcelis ah ku disho.

Su’aalo badan ayaa la iska weydiinayaa sababta uu Klopp uga tagay Thiago Alcantara islamarkaana uu uga doorbiday Naby Kieta kaasoo xalay noqday xiddigii ugu liitay ciyaarta iyadoo la bixiyay daqiiqadii 42aad. Markii uu Thiago soo galay waxaa sarre u kacay qaab ciyaareedka Liverpool laakiin waxay aheyd xilli ay xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen.

XIDDIGA GAROONKA

Vinicius Junior (Real Madrid). 20 jirka reer Brazil ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Real Madrid. Orodkiisa ayaa wadno qabad ku noqday daafaca Liverpool, wuxuuna ahaa mid baahi weyn u qabay inuu shabaqa soo taabto inkastoo uu dhaliyay labo gool oo aad u fiican.

Advertisements

XIDDIGIHII UGU LIITAY

Ma jiro ciyaaryahan ka liitay Naby Keita oo garoonka soo galay taasoo keentay in xilli hore la bedelo. Waxaa iyagana liitay dhamaan afar daafac danbe ee Liverpool kuwaasoo muujiyay khibrad yari iyo isku haleyn badan.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

REAL MADRID: Courtois 6, Vazquez 7, Militao 8, Nacho 7, Mendy 8, Casemiro 8, Modric 8, Kroos 8, Asensio 8, Vinicius 9, Benzema 8.

Bedel: Valverde 6, Rodrygo n/a.

LIVERPOOL: Alisson 5, Alexander-Arnold 5, Phillips 5, Kabak 5, Robertson 6, Fabinho 6, Wijnaldum 6, Keita 4, Salah 7, Jota 7, Mane 5.

Bedel: Thiago 7, Firmino 5, Shaqiri 5.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*